Sirdoonka Imaaraadka oo xabsiga dhigay Boqor Buur-Madowga Soomaaliland.
Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo ka mida Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa Ciidamada Sirdoonka ee Dalka Imaaraadka Carabta doraad Xabsiga u taxaabeen oo sanadkii u dambeeyay dibad wareeg ku ahaa qurbaha ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo aflagaadooyin culus uga soo jeediyay warbaahinta.
Boqor Cismaan Buur-madow ayaa la sheegay in ciidamada sirdoonka imaaraadka carabta ay ka qabteen Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Dubai isagoo ka soo laabtay wadanka Sucuudiga oo uu u tegay Gudashada Waajibaadka Xajka.
Ilaa iyo hadda si rasmiya looma oga asbaabaha dhabta ah ee Buur Madow xabsiga loogu taxaabay, hase yeeshee nin sheegay inay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud oo xalay Horn Cable TV u waramay ayaa cadeeyay in Walaalkii Boqor Cismaan Buur-madow ay qabteen Sirdoonka Imaaraadka, waxaanu yidhi isaga oo arrinkaa ka hadlaya“Anigoo ah Maxamed Maxamuud oo ah Boqor Cismaan Maxamuud Buur Madow
Walaalkii waxaan cadaynayaa in la Xidhay Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow, waxaana xiray sida la sheegay ciidamada Sirdoonka ee dowlada Imaaraadka, iyadoo maamulka Somaliladna la sheegay inay lug ku leedahay Xariggiisa, laakiin waxa keliya oo aan cadaynayaa in Boqor Cismaan Buur-madow la xidhay ilaa hadana meel uu ku xirhanyahay aan war loo heyn, saldhigyada magaalada Abu-dubai oo aanu ka baareynaa waanu ka weynay, markaa meel ay ku xireen ama geeyeen lama garanayo”.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=5050












