Wasiirka Gaashaandhiga oo ka warbixiyay dagaallada Gobolka Gedo
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen ayaa ka warbixiyay dagaallada ka socda gobolka Gedo ee u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee kaashanaya kuwa Ahlusunna Waljamaaca iyo ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi waxa uu sheegay in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna ay horumar weyn ka sameeyeen dagaallada ka socda degaannada Gobolka Gedo, isagoo xusay in deegaanno ay ka mid yihiin Luuq, B/xaawo, Garbahaarey, Ceelwaaq iyo deegaanno kale oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga oo safar ku tegay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ayaa wuxuu sheegay in uu kullamo kala duwan la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa dagaallada gobolka Gedo uuna kula soo dardaarmay inay dardargeliyaan dagaallada si gobolka oo dhan looga saaro xoogaga Al-shabaab, wuxuuna sheegay in ciidamada ka dagaalamaya gobolka ay yihiin kuwo daacad ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in waxgaradka deegaankaa uu la kulmay isla markaana uu kula dardaarmay inay taageeraan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
“Ciidamada ku sugan Gedo waa kuwo daacad ah dalkooda oo naftooda u huray sidii ay cadowga uga saari lahaayeen guud ahaan gobolka Gedo, hurumar la taaban karo ayayna ka sameeyeen dagaalada” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya C/xamiin Xaaji Fiqi.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=312












