Dowladda Sierra Leone oo Sheegtay in ay ka Qeyb qaadanayso Dib u soo Celinta Nabada Soomaaliya.

Madaxweynaha Sierra Leone Ernest Bai Koroma, ayaa shaaca ka qaaday in wadankiisa uu qeyb weyn ka qaadanayo nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya iyo hormarka iminka laga dareemayo Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Ernest Bai Koroma oo ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah kula hadlayay gudaha dalkiisa kuwaas oo lagu in qaar kamidahi ay yimaadaan dalka soomaaliya ayaa sheegay  inay doonayaan inay ka qeybqaataan  dib u soo celinta Nabada Soomaaliya

Mr. Koroma oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Saraakiil ciidan ay kaga sugan yihiin wadamo badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii wadamada ay ku sugan yihiin horumar u gaarsiin lahaayeen.

“Ciidamadeena waa kuwo geesiyaal ah oo ku dhiiran ka shaqeynta nabada iyo xasiloonida waana ku amaanay yihiin Soomaaliya ay u caawiyeen”, ayuu yiri Koroma Madaxweynaha Dalka Sierra Leone.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha dalka Sierra Leone, in Soomaaliya haatan laga dareemayo ifafaalo muujinaya in dib Soomaaliya ay u soo ceshaneyso hanaankii dowladnimo ee calaamka ku lahayd laguna yaqiinay, isagoona sidoo kale balan qaaday inay siiwadi doonan taageerada dhinaca waliba ah ay siinayan Soomaaliya si hadafkeeda ay kaga miro dhaliso.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16835

Posted by AqilDalmar on Feb 21 2013. Filed under WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK