Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan : Waxaan mar kale ku celineynaa codsigayagii ahaa in xayiraadda hubka Soomaaliya laga qaado

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo shalay  dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho kadib markii Magaalada New York ay uga qeybgashay 14-kii bishan February kulan golaha ammaanka ee Qaramada midoobey uu kaga dooday ajandayaal ku saabsan arrimaha wadanka Soomaaliya , ayaa waxa ay Shir jaraa’id oo ay ku qabatay Airport-ka Muqdisho ay ku sheegtay in kulankaasi ay ku bandhigtay baahida dowladda Soomaaliya ay u qabto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada badda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad badeeda, kooxaha dowladda ka soohorjeeda , tahriibka, kalluumeysiga sharci darada ah iyo wixii la mid ah .

Fawsiya Yuusuf waxa ay ku celcelisay baaqa dowladda ee ah in laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1991 –kii.waxayna tiri    “Wadahadalada aan la leenahay Xubnaha golaha ammaanka waxa uu socon doonaa ilaa iyo 7 bisha March , si cunaqabeynta hubka nalooga qaado,lana xoojiyo awooda ciidamadeena,iyadoo la kordhinayo howlgalada ciidamada “AMISOM” ,si loo soo celiyo nabadda iyo deganaanshaha soomaaliya ”.’

Mar la weydiiyay go’aanka ay uga soo horjeesatay in Ciidamada Kenya loo sharciyeeyo dhanka badda si ay uga howl galaan, ayay sheegtay in in go’aankaas aanay waxba u dhimeyn xiriirka Kenya ay la leeyihiin, isla markaana ay abaal uga hayaan dalka kenya  sida ay ciidamadoodu ay dhiigooda ugu hureen.

Waxaa ay sheegtay in Golaha ammaanka ay hor dhigeen in Ciidamada Badda Soomaaliya la dhiso, si loola dagaalamo burcad badeedka, falalka amaan darida looga hortago.

“Kenya waa dowlad aan saaxibo aan nahay oo jaar ah, Ciidamadeeda waxay nala qeybsadeen dhiig badan oo daatay abaal baan u heynaa, guul weyn ayay gaareen, laakiin arrinta aan ka hadlay waa Ciidamada Soomaaliyeed ee Badda in la dhiso, sida loo yiri ma ahan ee hadalada loo buun buuniyay”ayay tiri Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya oo xustay in Kenya ay xaq u leedahay in Ciidamadeeda ay dhisato.

Fowziyo Yuusuf ayaa Golaha Ammaanka ka sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay aqbaleyn in AMISOM loo sharciyeeyo howl galka dhinaca badda, taa bedelkeed la dhiso Ciidamada badda Soomaaliyed

Dowladad Kenya ayaa hor dhigtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey qorshe ay dooneyso in loogu ogolaado in Ciidamadeeda Badda ay qeyb ka noqdaan howl galka AMISOM, iyadoo ku baxaya lacag dhan 10-Milyan, waxaana Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobey uu ku andacooday in Ciidamada Soomaaliya aysan awood u laheyd in dhaq dhaqaaqyada dhinaca badda ay Al-Shabaab kala dagaalamaan.

Wasiirad Fawsiya intii ay ku sugneed Airport-ka ,waxa ay ku qaabishay halkaasi ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustine Philip Mahiga,iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saleysan xaaladda dalka.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16832

Posted by AqilDalmar on Feb 21 2013. Filed under WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK