Xukumada Silanyo oo Albaabada u laabtay TV laga daawado borama,xabsigana dhigtay laba masuul iyo mudaharaad arintaas ka dhashay oo gil gilay.
Telefishin laga daawado gudaha magaalada Boorama oo la yihdaahdo Rayo TV ayaa xalay xukumada Siilanyo abaara sideedii fiidnimo Iriradaha u laabtay markii sida la sheegay uu dhowr Habeen oo isku xiga uu sii daayey Barnaamij salaadiini ku dhaliishey xukumada Siilanyo iyo Gabay la sheegay in xukumada Siilanyo iyo wakiilada xukumada Boorama u joogaa aanay jeclaysan oo ka biyo diideen.
Sida warku sheegayo waxaa xukumada Siilanyo Xabsiga u taxaabtay laba hawl-wadeen oo ka tirsan TV-ga oo kala ah Agaasimaha TV-ga Maxamed Cali iyo Madaxii waaxda farsamada Cabdifataax Cilmi kuwaas oo laga qabtay xarunta TV-ga.kadibna xabsiga la dhigay
Dhinaca kale waxaa la sheegay in TV-ga Rayo oo soo daaya Barnaamijyada ciyaaraha, dhalinyarada reer Booramana aad u daawadaan in markii laga war helay in xukumada Siilanyo albaabada u laabay ay dhalinyaradu mudaharaad bilaabeen oo Taayiro wadada bartankeeda ku gubeen,islamarkaana shiideen dhismayaasha iyo xafiisyada dowladda iyo Guryaha saraakiisha Booliiska siiba Guriga Taliyaha Booliiska Borama.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in mudaharaadkaasi sababay in ciidamada Booliisku rasaas u isticmaalan si ay ku kala dareeriyaan dhalinyarada mudaharadaaysay inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare dhimasho iyo dhaawaca oo rasaastaasi geysatay
Dhinaca kale Wararka naga soogaaraya magalada hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanku hawlgal ay ka Sameeyeen Xaafada Xidigta (Wadada Dumbuluq) ee duleedka Koonfureed ee buundada weyn ee Hargeysa inay ku qabqabteen ku dhawaa toboneeyo nin oo looga shakisan yahay inay xiiriir la leeyihiin dagaalyahana alshabaab..
.Ciidamada nabadsugidda Somaliland oo la geeyey halkaasi ayaa Isku Wareejiyey abaaro 11:00 Habeenimo ee habeen hore laba Albeergo oo la Hurday kuwaas oo ay saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ay sheegeen inay ku jiraan Rag hubaysan oo sida ay yiraahdeen xiriir la leh xarakada Al-shabaab , sida ay wargeyska Haatuf ee ka soobaxa magalaada hargeysa u sheegeen dad ka agdhawaa goobtaasi.
Dhinaca kale ciidamada ammaanka ayaa habeen hore halkaasi ka sameeyey baaritaan ay ku sameynayeen gaadiidka iyo dadka marayey waddooyinka waaweyn ee magalada hargeysa
Todobaadkan ayay ciidamada Bileyska Laascaanood hawlgalo ay ka sameeyeen magaaladaasi la sheegay in lagu soo qabqabtay dad ay ka shakiyeen ah, kuwaas oo markii dambe loo gudbiyey xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16829












