Taliyaha Ciidamada dowladda ee Gobolada Jubbooyinka oo Shaaciyay in la soo dhameeyeen Qorshe Caalami ah oo.
Gen. Ismaaciil Saxar Diid oo ah taliyaha Ciidamada dowladda ee Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa shalay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshe calami ah oo uu sheegay in la doonayo sida uu yiri in dalka looga saaro ciidamada xarakada Al-shabaab gaar ahaan degaanada ay Gobolada jubboouinka iyo gedo kaga sugan yihiin Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.
Taliyaha ooshalay shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ayCiidamadoodu heegan buuxa ku jiraan isla markaasna ay filayaan Maalmaha soo socda in ay qaadaan Dagaal dhinaca Cirka iyo Dhulka ah si Xarakada shabaab degaanada ay kaga sugan yihiin Goboladaas uga saaraan waasida uu yiriye .
Gen. Ismaaciil Saxar diid oo ka hadlayay awoodda Ciidamada dawladda ee Gobolada jubbooyinka ku sugan iyo ciidamada Kenya ee taageeraya ayaa sheegay sida uu ku dooday inay kuqabaan kalsooni buuxda.wuxuuna sheegay in ciidamada cirka ee dalka Kenya ay mar kale qeyb kanoqonayaan dagaalka ay doonayaan inay ku qaadaan ciidamada xarakada Alshabaab ee ku sugan gobolada jubbooyinka iyo gedo ,isagoo xusay in ciidamadoodu ay hadda ka hor sooqabsadeen dhul balaaran oo ku yaalla gobolka J/hoose
Mar uu taliyuhu ka hadlayay waxa ka jira in Mooralka Ciidankooda inuu hooseeyoayaa waxa uu yiri “inkastoo aysan jirin xiligan Lacagihii Mushaaraadka oo ay u baahnaayeen haddana Ciidankayagu waa mid Niyad ahaan dhisan diyaarna u ah in Ciidooda ay nafta u huraan,wuxuuna intaasi ku daray inaysan waxba ka jirin warar been abuurka ah eesheegaya in aysan ciidanadoodu waxa niyad ah u heynin dagaal dambe oo ay la galaan ciidamada xarakada Al-shabaab.
Gen. saxar-diid oo mar kale wax laga weeydiiyay qorshaha caalamiga ah ee uu sheegay iyo cidda wadda ayuu ku gaabsaday in arrintaasi ay tahay sida uu yiri Sir Ciidan oo aan loona baahnayn xilligan inuu saxaafadda ka horsheego wuxuuna dhinaca kale ku goodiyey in qorshahaasi la arki doono dhawaan .
Saxar diid ayaa ku goodiyay in maalmaha na soo aaddan la arki doono tallaabo cad oo ay qaadaan Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolada jubbooyinka isla markaana Dagaalyahanada xarakada Al-Shabaab gebi ahaanba laga saarayo waa siduu hadalka u dhigaye meelaha kooban oo ay kaga sugan yihiin saddexdaasi Gobol.
Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolada jubbooyinka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka soo yeeraya Hanjabaadyo ku aadan Dagaalo ay ku qaadayaan Goboladaas.inkastoo la ogyahay in labo jeer oo hore ay ciidamada Kenya iyo kuwa soomaalida ee kismaayo kusugan ay dib uga soo laabteen deegaanka buulo gaduud oo ay sheegeen inay la wareegeen balse labada jeerba ay dib uga soo baxeen.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16826









