Taliska hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha oo digniin u diray dadka muqalasiinta ah ee ku howlan…

Hogaanka docdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin u diray dad muqalasiin ah oo basaabooro been abuur ah isku day in ay ku dhoofiyaan taas oo dad badan ay ku fashilmeen.

Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa digniin u diray dadka Soomaalida ah ee waayahan ka soo laabanayey wadamadii ay ku maqnaayeen, kuwaas oo uu sheegay in dalka ay la yimaadeen qaarkood Ficil xatooyo ah, iyaga oo iska dhigaya Muqalasiinta dadka Dhoofisa, si ay dadka uga qaataan lacago tiro badan ka dibna ay ku fashilmaan Baasaboorka Khaldan ee dadkaasi lagu dhoofiyay.

Dhinaca kale taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa u jeediyay Soomaalida dibedaha joogta ee ku kaceysa falalka noocaani oo kale in ay dhibaatada ka daayaan dalkooda, inta uusan sharciga gacanta ku dhigin.

Waa markii ugu horeysay ee uu hoggaanka Socdaalka Soomaaliya shaaciyo in ay jiraan dad Soomaali ah oo ka faa’ideysanaya diyaaradda Turkish ee sida tooska ah dadka ugu qaadda dalalka Yurub, waxaana arrintan loo sabababeynayaa Xaaladda ammaan ee Somaaliya oo soo hagaagtay Soomaalidii dibadaha ku maqneydna ay arrintaasi ka faa’ideysteen.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16797

Posted by AqilDalmar on Feb 20 2013. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK