Kooxda MAASHAA ALLAAH oo ku guulaysatay Koobka Accord Cup 2013 magaalada kampala ee dalka Uganda

Tartan ka socday garoonka Luburi xaafadda Kisinye magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa galabnimadii shalay si xiiso leh ku soo gabagaboobay kadib markii Kooxda Maashaa Allaah ay ku guulaystay koobkii dhigay.

Koobkan oo ay ku tartamayeen ilaa 8 kooxood oo ku cayaarayay magacyada Maashaa Allaah, City Star, Goobe G, Elman, Hiiraan FC, Daalo FC, Gaalkacyo FC iyo Dabka FC ayaa waxaa finalkii isugu soo haray kooxaha Maashaa Allaah iyo Elman, kuwaasoo Isniintii shalay oo ay bishani ku beegnayd 18/02/2013 wada cayaaray cayaartii kama dambaysta ahayd.

Cayaartaas oo ahayd mid aad u adag,  kooxuhuna ay mid waliba ku dadaalaysay sidii ay guusha ku hanan lahayd ayaa waxaa guushii koobka hantay kooxdii ku cayaaraysay magaca Maashaa Allaah oo kaga adkaatay kooxda Elman 3-1.

Cayaartaas oo ay daawashadeeda ka qayb galeen mas’uuliyiin Sport, odayaasha dhaqanka, ganacsato iyo taageerayaal badan ayaa waxaa kooxda Maashaa Allaah guddoonsiiyey koobka Muuse Maxamed Cusmaan (Kiimiko) oo ka tirsanaa  mas’uuliyiin Sportiga Soomaaliya.

Sidoo kale kooxda Elman oo gashay kaalinta labaad ayaa waxa iyana koobka guddoonsiiyay Ugaas Maxamed Bashiir oo ka mid ah Ugaasyada beelaha Soomaaliyeed, kana mid ah odayaashii dhaqanka ee soo dhisay dowladda haatan ka jirta Soomaaliya, kaasoo arrimo isaga u gaar ah u jooga dalka Uganda.

Gabagabadii tartankan ayaa waxaa hadalo dhiirigelin ah ka jeediyay odayaasha Sport-ga reer Kampala iyo qaar kamid ah taageerayaasha labada kooxood,  waxayna ammaan u soo jeediyeen dadkii gacanta ka gaystay qabsoomiddii tartankan ayagoo kula dardaarmay  in ay sii kordhiyaan jacaylkooda Sport-ga kaasoo ah meesha kaliya ee ay uga badbaadi karaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxyaabaha xun xun

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16780

Posted by AqilDalmar on Feb 19 2013. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA UGU DAMBEEYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK