Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingiriiska, sheegayna in ciidanka dowladda loo sameynayo…

Waxaa  xalay lagu qabtay hoolka Central Hall Westminster ee magaalada London ee dalka Ingiriiska xaflad si weyn loo soo qaabeeyay oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo beryahan ku sugnaa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Siyaasiga Cusmaan Jaamac Cali Kalluun oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii hore ee soo maray Soomaaliya ayaa ka hadlay xafladda wuxuuna sheegay inuu aad u faraxsanyahay, farxaddaasina ay keentay sida ay Soomaaliya tahay iyo sida caalamka la inooga doonayo, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya u dhisan ay tahay mid tayo leh oo dadka ku jiraa ay yihiin dad aqoon leh, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Adduunka wixii ka dhexdhacay waa iska iloobay, annaga waan iska iloobeynaa, wadamada Afrikana annaga ayaa ugu horeyn doono”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xafladeda ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin soo horistaago, Soomaaliya dalkeenii war idinkuma seegana, waddadii dheerayd ee aan soo marnayna waad ogtihiin, waxaase rajeynaynaa inaan halkii saxda aheyd uga dhaqaaqno halka aan taagan nahay, sanadkii 2012-dii wuxuu ahaa sanad wanaag iyo xumaanba watay, wax xummaan ah wey dhaceen, wax wanaag ahna wey dhaceen oo waxaan helnay dowlad oo aan ku dhisanay dalka gudahiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay xilka la wareegtay ay howlo badan qabatay, wuxuuna tusaale u soo qaatay Baarlamaaka, isagoo yiri “Baarlamaanka Soomaaliyeed 46-kulan ayuu yeeshay tan iyo markii uu kalfadhigiisa furmay, howligii ugu horeeyay ee uu qabtayna isaga ayaa isnidaamiyey, isagoo ku dhinac waday barnaamijyadii ay xukuumaddu horgeysay, kuwaasi oo uu ansixiyey, dad badan oo waxaa jira duruufihii lagu sugnaa 22-kii sano dartood jecel in madaxda dowladda is-qabqabsadaan oo xukunka la isku khilaafo, waxaan rabaa inaan hortiina ka sheego aniga, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha waxaan ku heshiinnay inaan isla riixno danta qaranka.

“Alle mahaddiis maanta 22 sano ka dib waxaa heysannaa dowladd aan KMG aheyn, laakiin dowladdan xittaa waxay qabaneysaa howlihii KMG ahaa waayo waxaa horyaala inay dalka u gudbiso dowlad xiriirada ay caalamka la leedahay u sameysata sida dowladaha dhisan ee caalamka ka jira, qofka haddii uusan amnigiisa welwel ka qabin ayuu ka fekeri karaa inuu shaqo aado oo uu raadsado wax uu cuno ama quutul-yoomkii, sidaas darteed ayaan go’aansanay inaan marka koowaad amiga wax ka qabano, amni ka dib waxaa suurtagal ah in wax badan oo adduun iyo aakhiraba uu qofka u baahanyahay inuu sameysto” ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay in amniga tallaabta ku xigta ay tahay garsoorka waayo buu yiri haddii uusan garsoor jirin caddaalad ma imaaneyso.

“Aniga, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ma lihin ciidan aan howsha ku qabano balse waxaan dooneynaa inaan shacabka abaabulno oo wax kasta aan ku qabano iyadoo dadka gacmaha is-heystaan, sida aad la socotaan Muqdisho waxaa laga qaaday isbaarooyin badan oo iyadoo aanu dhiig ku daadan la qaaday, sidoo kale ciidamada dowladda ayaa markii ugu horeysay xeryo looga sameynayaa Muqdisho, si ciidamada haddii aysan howl ku jirin ay xerada uga soo tagaan qoryahooda” ayuu yiri Madaxweynaha oo sugidda amniga ka hadlayay.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16239

Posted by AqilDalmar on Feb 3 2013. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK