Al-shabaab:- Ciidamada Jabuuti ee ku sugan B/weyne waxaan ka dilnay ku dhawaad 20-askar in ka badan 40-kalena waan ka dhaawacnay ka dib markii…

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay ka warbixisay markii ugu horeysay dagaal culus oo habeenkii Jimcaha ka dhacay gudaha magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna sheegtay in dagaalkaasi ay ku dileen sida ay tiri askar badan oo Jabuutiyaan ah iyo kuwo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka dhinaca howlgalada Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada B/weyne ay ka dileen sida uu ku dooday dhowr iyo labaatan askari, wuxuuna intaasi ku daray afhayeenku in sidoo kale ay khasaare xoogan soo gaarsiiyeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya.

“Dhowr fasriisin oo ay ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaalida ku lahaayeen gudaha B/weyne oo aan weerar ku qaadnay ayaa waxaan ku dilnay askar badan, waxaan ka dilnay inta aan hubno dhowr iyo labaatan askari, waxaana dhaawacyo soo gaareen in ka badan 40-askari oo kale oo Jabuutiyaan ah, nimankaas waa niman Murtadiin ah oo gaalo gacan soo siiuyey oo dalkeena ku soo duulay, waan wadaynaa dagaalka illaa aan ka saareyno dalka oo dhan, waxay diyaarado meydkooda ku geeyeen magaalada Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Sheekh Amuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in dhinacooda ay dagaalka uga dhinteen sida uu yiri 6-askari, wuxuuna intaasi ku daray in dhaawacyo aan sidaasi u badneyn ay ciidamadooda soo gaareen, isagoo xusay in dhib kasta oo soo gaara iyagu ay faa’ido u tahay oo haddii ay guuleystaan sida uu yiri ay dalkooda xoreeyeen haddii ay dhintaanna ay yihiin shahiidiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ka soo yeeray afhayeenka Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo sarkaal u hadlay maamulka gobolka Hiiraan oo dagaalka ka hadlay uu sheegay inay khasaare xoogan u geysteen ciidamadii Al-shababa ee weerarka ku soo qaaday, wuxuuna intaasi ku daray in askar badan ay ka dileen, hub bandanna ay ka qabsadeen, inkastoo aysan jirin warar ka madaxbanaan labada dhinac oo si rasmi ah u sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16232

Posted by AqilDalmar on Feb 3 2013. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK