Diyaarado aan la aqoonsan dalka iska leh oo lagu arkay iyagoo joog hoose ku duulaya magaalada Sheekh ee maamulka Somaliland

Diyaarado dhowr nooc ah oo la sheegay inay yihiin kuwa milatari, isla markaasna aan hayb-tooda dalka iska leh iyo ujeedadooda midna aan la garaneynin ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay joog hoose ku gaafwareegayay deegaanada buuraleyda gobolka Saaxil, sida dad ku sugan deegaankaasi ay Wargeyska Haatuf u sheegeen inay guuxooda iyo soo noqnoqashadoodu cabsi badan ku abuurgtay dadka deegaanka.

Sidoo kale diyaaradahan aan ujeedadooda la aqoonin ayaa meelaha ay aadka u gaaf-wareegayeen illaa shalay duhurkii illaa xalay waxaa ka mid ahaa deegaanada degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil oo ay wakhtiyo aad iskugu dhowdhow ku soo noqnoqonayeen, isla markaasna aysan jirin cid ka warqabta sababta dhabta ah diyaaradahaasi oo aan looga baranin inay dul duulaan deegaankaasi.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo ka howlgala degmadda Sheekh ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in diyaaradahaas aan la garaneyn meesha laga leeyahay oo loo badaniyaa inay yihiin kuwo ay leeyihiin sirdoonka dalalka reer galbeedka gaar ahaan dalka Ingiriiska oo isagu dhawaan soo saaray warbixin ka dhan ah amniga Somaliland, isla markaasna xusay inay ka cabsi qabaan in weeraro is-miidamin ah muwaadiniintooda lagula beegsado gudaha Somaliland.

Dhinaca kale wararka deegaankaas laga helayo ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaradahaas la garan waayey ay ka tirsan yihiin shirkado kuwa shidaalka sahamiya ah, isla markaasna deegaankaas ka baadhaya shidaal iyo qeybaha kala duwan ee Macdanta. Si kasta ha ahaatee xukuumadda Somaliland ayaan iyadu ilaa hada ka hadlin diyaaradahaa la sheegay inay gaaf-wareegayaan buuralayda gobolka Saaxil, kuna guuldaraysatay inay cabsida ka saarto bulshadda deegaankaas ee shakiga badan ay ku abuureen diyaaradahaasi.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16213

Posted by AqilDalmar on Feb 3 2013. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK