Madaxweynaha somaalinad oo magacaabay saraakiil xilal sar sare ka qabaneysa ciidamada kala duwan ee maamulkaasi

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu wareegto uu xalay soosaaray uu ku magacaabay 3 sarkaal oo xilal sar sare ka qabanaya ciidamada maamulkiisa kuwaas oo kala noqonaya, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa loo Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka meletariga Somaliland.halka Daahir Cali Wacays, loo magacaabay  Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska Somaliland iyo sidoo kale Cali Cumar Axmed, loo magacabaay  Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta Somaliland , kaas oo sidoo kale noqonaya La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Magacaabista siilaanyo ee saraakiishan ayaa ku soo aadeysa iayadoo dhawaan dowladda ingiriisku ka digtay weeraro iyo afduubyo ka dhaca Somaliland,islamarkaasna ugu baaqday inay Somaliland isaga soobaxaan dadka u dhashay dalka ingiriiska iyo kuwa kale ee u dhashay reer galbeed waxaan atallaabadni loo maleynayaa inay qeyb ka tahay qorshe uu maamulka Somaliland ku xoojinay dhina ammaanka.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16205

Posted by AqilDalmar on Feb 2 2013. Filed under WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK