Oodayaasha dhaqanka W/gaalkacyo oo ka soo horjeestay in Xisbiyo siyaasadeed xarumo ka furtaan magaaladaasi
Bayaan ka soo baxay wax-garadka iyo Guddiga Badbaadada Gobolka Mudug ee dhinaca maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inaan gobolkaasi laga furikarin xisbiyo siyaasadeed maadaama sida ay yiraahdeen maamulka Faroole ee hadda ka taliya puntland uu yahay mid an wax sharciyad ah heysan
Sida bayaanka lagu yiri shir ay isugu yimaadeen magaalada Gaalkacyo Aqoonyahanka iyo waxgaradka Mudug shalay oo jimco aheyd kaas oo daba socday shirar ay horey u yeesheen bayaan ay uga hadlayaan xaaladihii ugu dambeeyey ee maamulka puntland waxaana baaqaasi uu u qaraa sida tan
Ugu horey in sharciyadda golaha sharci-dajintu uu dhammaaday 31-kii October, 2012-kii, halka kan fulintuna uu jiritaan beelay 8-dii January, 2013-ka, in xukuumaddii hore ku fashilantay inay si sharciga waafaqsan u maarayso marxaladda kala-guurka sidaa darteedna ay mas’uul ka tahay faraaqa bannaanaaday iyo wixii eel ah ee laga dhaxlo.
In shacabka Puntland guud ahaan iyo si gaar ah kan gobolka Mudug ay soo dhaweeynayaan geeddi-socod walba oo ku aaddan dimuqraadiyadeeynta iyo u guuridda hannaanka xisbiyada badan, si kastaba ha ahaatee, waxan hoosta ka xariiqeeynaa hannaanka uu maamulkii hore ku wado barnaamijkaas masiiriga ah in uunan ahayn mid ku bannaan dadka reer Puntland, xisbiyada lagu dhisayna ayan ahayn kuwo sharci ah oo ka tarjumi kara rabitaanka dadka reer Puntland.
Waxan hoosta ka xarriiqeeynaa in barnaamijkaasi uu Puntland – iyo meel walba oo hannaanka xisbiyada badan ka hirgalo ka suuragali karo marka la helo shuruudaha sal-dhigga u ah hirgalintiisa sida, qeexidda rasmiga ah ee dhulka iyo xudduudaha Puntland, aqoonsiga rasmiga ah ee dadka reer Puntland.
Marka si sharci ah oo caddaalad ah loo xaddido degmooyinka Puntland iyo soohdimahooda, marka si buuxda loo sugo ammaanka, shacabkana lagu sameeyo hub ka dhigis buuxda, marka la taabba-galiyo hannaan caddaaladeed oo hufan kana madax-banaan maamulka, sida Maxkamadda Dastuuriga ah ee lagama maarmaanka u ah duruufaha caynkan oo kale ah, inta ka horeeysa xilliga ay soo dhameeystirmayaan daruufahaas.
Talo soo jeedin:
Haddaba si Puntland looga gudbiyo duruufahan adag si nabad ah isla markaana waafaqsan xeerarkii asaliga ahaa ee lagu dhisay maamulka ay ku bahoobeen dadka isir-wadaagga ah, waxan soo jeedinaynaa:
In lagu mintido lana ilaaliyo ammaanka guud iyo kan gaarka ah ee dadka iyo dalka Puntland, iyada oo dhinaca kalena si buuxda oo dastuurka waafaqsan loogu ololeeynayo shariciyadda loogana hortagayo wixii xad-gudub ku ah heshiisyadeennii hore.
In dadka reer Puntland, gaar ahaan dhallinyarada ayan ku khatalmin, kana gacma-buuxsadaan fahamka xisbiyada aan sharciyadda ku dhisnayn ee la doonayo in asaas looga dhigo aayahooda fog.
In Isimada marjaca u ah reer Puntland ay hubiyaan in hantida guud ee Puntland aan loo isticmaali karin dano khaas ah, sida in taageero loogu soo jiido xisbi iyo siyaasad gaar ah.
Waxan u soo jeedinaynaa ciidamada ammaanka meel walba oo ay joogaan in ay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida maankana ku hayaan in ay adeegayaal u yihiin dadkooda, dalkooda iyo ilaalinta dastuurka.
Ugu dambeeyntii waxan Isimida Puntland u soo jeedinaynaa in ay si degdeg ah u soo fara-galiyaan cakirnaanta siyaasadeed ee ka taagan Puntland inta ayan xaaladdu gaarin meel fara-ka-bax ah, isla markaana ay sida qabata uga taliyaan masiirka dadkooda iyo dalkooda.
Wabiillaahi Towfiiq:
Saxiixayaasha:
Nabaddoon Maxamuud Sheekh Doon
Nabaddoon Yaasin Cabdisamad
Nabaddoon Siciid Faarax Nuur Dirir
Nabaddoon Maxamed Maxamuud Kalajaban
Nabaddoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle
Nabaddoon Cabdi Siciid Warsame
Cabdulqaadir Shoole
Axmed Maxamed Jaamac
Ex Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed
Cabdirashiid Cilmi Guure
Maxamed Muuse Bile
Cabdisalaan Faarax Hoolif
Jamaac Darbaal
Faarax Cabdi Doorshe
Siciid Cabdi Firin
Maxamuud Cabdi Yare
Sugulle Cumar Cali
Bashiir Faarax Cali
Xabiib Maxamuud Samatar
Abshir Maxamed Aadan
Cabdicasiis Nuur Xaashi
Axmed Cabdi Jaamac Doob
Maxamed Cabdi Cali Dhoobeey
Cabdiqani Shancad
Maxamuud Cabdille Cabdi
Cabdidaahir Faarax Bootaan
Cabdirashiid Mursal Faarax Sanweyne
Cabdullaahi Maxamed Cabdi
Cabdulqaadir Xirsi Aw-Farax
Cabdullaahi Maxamed Muuse Kadiido
Xasan Maxamed Cabdi
Shoombe Xasan Daad
Cabdi Cali Xaashi
Faarax Khaliif Xasan
Cabdinaasir Xasan Warsame
Cabdullaahi Xaaji Jaamac
Cabdiraxmaan Aadan Dalab
Axmed Yuusuf Shirwac
Cabdiqani Wasame Surweelle
Axmed Khaliif Faarax
Shamuuke Maxamuud Diiriye
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16201












