Sheekadii DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ (QAYBTA 13AAD)

Markiiba Ladan ay alaabadii ku wareejisay Liibaan, kuma aysan sii daahin oo xogtiisa caafimaad iyo sida uu hadda yahay inta weydiisay ayay u sheegtay in ay sii baxayso, iyadoo u sii laabtay waxoogaa lacag oo haddii uu u baahdo dawo iyo baan uu ka sii dhigto, isagana wuxuu u sheegay inuu iska ladan yahay oo berri uu iskuulka imaanayo, kadibna way is macsalaameeyeen.

Liibaan ayeeyadiis oo dharareysay bixitaanka gabadha ayaa wiilkeeda weydiisay Gabadhu waxa ay tahay, wuxuuna Liibaan Ayeydiis sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka ay gabadhu  isku barteen iyo inuu jacayl ka dhexeeyo welibana ay iyadu aad  u jeceshahay.

Markii Liibaan uu warbixitaas siiyay Duqdii  aad bay ugu faraxday isla maraana soo dhaweysay  in wiilkeedu lamaane yeesho,  “Hooyo gabadhu waa mid wanaagsan oo jacayl ay kuu qabto awgiis may intaannoo alaab ah kuugu keentay (Maashaa-Allaah) tan yeysan kaa fakan, Nabi Qadar ayaa kuu duceeyay hooyo, Nin nasiib leh ayaa tan oo kale hela, haddii aad xiriirka la sii waddo tani wax weyn ayay noloshaada ku soo kordhin kartaa”.

Liibaan oo garaystay hadallada Ayeeyadiis ayaa haddana meel kale wax ka tusiyay wuxuuna ku yiri “Hooyo waxaa la yiri waxan day, waxa  ku sii xigana day….. waxaa wanaagsan in taxdar la muujiyo gabadhu waa Bani’aadam wax kasta waa laga filan karaa, anigana runtii jacaylkeeda in muddo ah waan ka meermeeray oo dadka lacagta leh wax la  qeybsigooda dhib buu leeyahay, hadday mar kugu sanifaan awood ayay kuu adeegsanayaan oo haadaan kugu ridayaan”.

Duqidii dib ayay u guratay oo inta dhafoorada qabsatay tiri  “Wallaahi waa suuragal, laakiin Hooyo ku danayso kana danayso, caqliga ayaan kugu jeclahaye”.

Markii ay in muddo ah ka soo wareegatay lamaanayaasha Ladan iyo Liibaan jacaylkoodii wuu kobcay oo faafay,  dhammaan Ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ayaa hadal heynta Cishqigooda suuqa geliyey,  taasina waxay dhibtay Waalidkii dhalay Ladan oo ka gilgishay in iyagoo dad magac ku dheh bulshada oo caan  ah ay gabadhooda Wiil faqiir ah oo Qoys Qabriga qoda ka dhashay jacayl la wadaagto.

Ladan aabaheed  ayaa si aad ah uga gilgishay hadal heynta faraha badan ee qeexeysa in gabadhiisa Ladan ay jacayl wadaag la tahay wiilka nolosha liita ku nool, taasoo uu u arkayay ceeb uusan garaneyn meel uu kaga dhuunto isagoo karkaraaya ayuu u yimid Xaaskiisa oo latashi ku saabsan sidii Liibaan iyo Ladan degdeg loogu kala reebi lahaa la sameeyay….

Nin karka ka batay ayuu ahaaye wuxuu isla markiiba la soo booday  “Waris walaalay arrintan uma dulqaadan karno, ceeb tan ka sii weyn ayayna inoo soo jiidaysaa, wax xal ah oo kale ma jiraan si toos ah ayaan ugu sheegeynaa oo ka har wiilkaas ayaan leenahay,  hadday diiddana guriga ayaan ku xabiseynaa, maadaama waxbarashadii Dugsiga sare u dhammaan rabto oo bilo qura uga harsan yihiin”.

“Taas macquul ah Xaaji oo gabadha kaliya ee aanu ifka ka fiirsanayno weeye, iskuma ogeyn Sowjkeygiyow  in la  canaado ama qalbigeeda dhaawac loo geysto, sanad iyo bar ka hormarkii wiilka Liibaan ah ee ay jeclaatay aan martiqaadaynay qorshihii aan isla meel dhignay waad xusuusataa baan filayaa, shirqool lagu kala geynayo ayuu ahaa ee ma ahayn qalbiga gabadheenna inaan dhaawacno” sidaa waxaa ku dooday Ladan Hooyadeed Waris  oo diidanayd in gabadheeda wax loo dhimo, laakiin Odayga oo isagu xanaaqu ka tan batay, isla markaana hadalada magaalada la isla dhex xulayo ee jacaylka gabadhiisa ku saabsan si  fiican uga soo gubtay ayaa yiri “Ma iyadaa inoo talisa, mise anaga ayaa u talina oo sow ma aha Ubad la dhalay, wixii aan u soo jeedino waa inay yeeshay haddii kale……..”

LA SOCO AXADDA KALE

W/Q: C/raxmaan Cumar (Caaqil  Dalmar)

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=162

Posted by AqilDalmar on May 2 2011. Filed under MAQAL / AUDIO, MAQAL-MUUQAAL, MUUQAAL / VIDEO, SHEEKO / HAL-ABUUR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK