Dalka Kenya oo uu ka furmi-doono dhawaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan…

Dalka Kenya ayaa lagu qaban doonaa shir looga hadlayo maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya kaas oo la iskula eegi doono fursadaha ganacsi ee ka jira dalka, sida ay sheegeen qaar ka tirsan dadka wax ka abaabulaya shirka.

Shirka oo noqon doona mid ay madaxdu ka qeybgasho ayaa dhici doona 12–13 June ee sanadkan, waxaana soo abaabulay Golaha Dhaqaalaha Soomaaliya {Somalia Economic Forum – SEC}, waxaana maareeyahaya golaha dhaqaalaha Soomaaliya Xasan Dudde war uu ka soo saaray Nairobi ku a sheegay in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay horay u qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo xasillooni siyaasadeed, kuwaas oo horseeday inay soo baxaan fursado ganacsi iyo kuwo dib loogu dhisi karo dalka.

“Shirka maalgashiga Soomaaliya wuxuu fursad bandhig u noqon doonaa shirkadaha isgaarsiinta, gaadiidka dhismaha, beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada iyo warshadleyda” ayuu yiri Xasan. Oo intaasi ku daray ‘

Waxaa jira dad badan oo maalgashi sameeya oo horay u muujiyey inay daneynayaan dhaqaalahooda inay geliyaan  dalka soomaaliya sida magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee soomaaliya , kadib markii ay arkeen  sida uu yiri shirkadaha Coca-Cola, Turkish Airlines, Africa Oil, SKA iyo kuwa kale oo ka howlgalaya caasimadda Soomaaliya ee muqdisha iyo gobolada kale ee dalka qaarkood.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16197

Posted by AqilDalmar on Feb 2 2013. Filed under WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK