Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo diyaarad ku tagay magaalada Marka
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ku tagay gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, isagoo ka degay garoonka Nambar Konton.
Ra’iisul Wsaaare Saacid oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirada Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga, Maaliyadda, Warfaafinta, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidamada xooga dalka, Booliska, Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka degmadaas, wuxuuna kulamola qaatay dadka deegaanka.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagay gobolka Sh/hoose ayaa noqonaya kii labaad oo uu ku tago gobolkaas, isagoo horaantii bishan booqday degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-KM, balse lama sheegin sababta keentay inuu dhulka ku safri waayo maadaama ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin inta u dhexeysa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=16175









