WAR DEGDEG AH: AL-SHABAAB OO GOOR DHOW QUDHA KA JARTAY DENIS ALLEX

Xoogaga Al-Shabaab ayaa waxay goor dhow shaaciyeen  inay dileen la-haystihii Faransiiska Denis Allex, kaasoo France ay rumeysan tahay inuu ku dhintay howlgalkii Buulo-Mareer ee ay dowladda France ku doonaysay inay asaga ku soo furato.

Qoraal ay Al-Shabaab goor dhowayd ku soo daabacday bogga ay ku leedahay Twitter ayay ku sheegtay inay dil ku fulisay la-hayste Denis Allex oo ay gacanta ku haysay muddo ka badan saddex sano iyo bar.

Kooxda ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan halka ay ku dishay la-haystaha iyo sida uu dilka u dhacay.

War-saxaafadeed ay shalay soo saartay al-Shabaab ayay ku sheegtay inay xukun dil ku fulin doonto Denis Allex oo ahaa sirdoon Faransiis ah,  maantana ay dilka ku fuliyeen.

“France waxay iyadoo aan la khasbin saxiixday amar-bixin toogasho ah, anagana amarkii dilka ahaa ayaanu maanta fulinay” ayay Al-Shabaab ku tiri warsaxaafadeedkan iyadoo xustay inay dowladda France mas’uul ka tahay dilka la-haystaha.

Kooxda waxay ku eedeysay dowladda Faransiiska inay ku kacday khayaano kaddib markii ay isku dayday inay xoog ku soo furato la-haystaha xilli labada dhinac ay u socdeen wadahadallo muddo dheer qaatay oo lagu rabay in lagu sii daayo Mr. Allex.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Faransiiska ayaa Sabtidii sheegay inay Al-Shabaab dishay Mr. Allex muddadii uu socday howlgalkii ka dhacay Buulo-Mareer, hase yeeshee Al-Shabaab oo beenisay warkaas ayaa sheegtay inuusan la-haystaha xilligaasi ku sugnayn magaalada Buulo-Mareer.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bogga Twitter ku soo bandhigtay sawirkii askarigii labaad ee Faransiiska uga dhintay howlgalkii fashilmay, walow aaney soo bandhigin sawirka Mr. Denis Allex oo gacanteeda ku jira muddo ka badan saddex sano iyo  bar.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15801

Posted by AqilDalmar on Jan 17 2013. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA UGU DAMBEEYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK