Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay, kana warbixiyey safarkii uu ku tegay dalka Suudaan
Gelinkii dambe ee maanta ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dib ugu laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay ay booqasho labo maalmood ah ku tageen dalka Suudaan.
Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyeen wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, wasiirro, xildhibaanno, taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kula hadlay wariyeyaasha isaga oo faahfaahin ka bixiyay safarkii ay ku tageen dalka Suudaan, waxa uuna tibaaxay in ay ka qeyb galeen munaasibad loogu dabaal dagayey 57-guuradii ka soo wareegatay markii ay dowladda Suudaan xorriyadda qaadatay, isagoo sidoo kale sheegay in ay jiraan heshiisyo la xiriirra mashaariic horumarineed oo dowladda Suudaan ay la saxiixdeen.
Waxa uu sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh uu farta ku fiiqay in dowladda Suudaan ay door weyn ku leedahay taageerrada Soomaaliya, isla markaana ay isku soo afgarteen sidii ay u sii xoojin lahayd taakuleynta hay’adaha dowladda iyo meelo kale oo iyana muhiimad leh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu tibaaxay in dowladda Suudaan ay u ballanqaaday tababar siinta ciidammada Booliska, isagoo dhinaca kalena xusay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan uu la kulmay si aad ahna u soo dhaweeyeen.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15379












