Ciidamada dowladda oo B/weyne ku dhaawacay nin ay ku eedeeyeen amar-diido
Nin la sheegay in uu ka dhego adeygay amar ay ciidamada dowladdu ku siiyeen inuu isa soo dhiibo ayay ciidamadu rasaas huwiyeen una geysteen dhaawac.
Ninkaas oo ay dhaawaceen ciidamada dowladda ee magaalada B/weyne ayaa waxaa sababta loo dhaawacay ka warbixiyay Taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada B/weyne Col. Cali Cabdi Mahad-Alle oo sheegay in ay ciidamadu toogteen ninkaas oo sida uu tilmaamay saarnaa mid ka mid ah guryaha ku dhow dhow saldhigga Booliska, markaasoo uu isku dayayay inuu ka baxsado ciidanka.
Ciidanka oo ninkaasi gacanta ku soo dhigay ayaa waxay ay dhaawaciisa geeyeen isbitaalka magaalada B/weyne halkaasoo lagu daweynayo, waxaana la dul dhigay ciidamo ilaaliya si marka uu u soo bogsado su’aalo loo weydiiyo.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15359









