Xaflad aroos oo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay kadib markii Al-shabaab rasaas ku fureen

Xaflad toddobo-bax aroos oo ka socotay tuulo lagu magacaabo Booco oo khiyaastii 65 km u jirta magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo haweeney ah, saddex haween kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyo la sheegay in ay ka tirsanaayeen xoogaga Al-Shabaab ay rasaas ku fureen.

Wararku waxa ay sheegayaan in xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan Booco ay u cuntami weysay qaabka ay u dhacaysay xafladda,sidaasina ay ku rasaaseeyeen.

Dad ka qeyb galay xafladdaas aroos ayaa sheegay inay ka war heleen rasaas dhacaysa iyo dad kala cararaya, mana naqaano ayay yiraahdeen sababta.

Warar qaar ayaa sheegaya in Afar haween ah ay ku dhaawacmeen rasaasta, kuwaas oo labo ka tirsan ay xaaladdoodu liidato, waxaa dhammaantood loo qaaday isbitaalka magaalada B/weyne oo lagu dabiibayo.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15356

Posted by AqilDalmar on Jan 3 2013. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK