C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ka warbixiyay safarka ay ku joogaan Baydhabo
Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqioo safar labo maalmood ah weli ku jooga magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ka warbixiyay socdaalkooda, wuxuuna sheegay in ujeeddada socdaalkooda uu yahay qiimeynta xaaladda dadka ku nool magaalada Baydhabo iyo midda ciidamadu ku sugan yihiin, wuxuuna xusay in muddada ay joogaan Baydhabo ay si qota dheer u eegi doonaan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada, ayna ku dedaali doona daryeelka ciidamada.
Wuxuu shacabka Baydhabo uga mahad celiyay taageerada ay dowladda u muujiyeen, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in deegaannada gobolka Bay ee ay ku harsan yihiin Al-Shabaab si degdeg ah looga saari doono.
Wafdiga wasiirka gaashaandhigga ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano ka soo jeeda gobolka Bay, Saraakiil ciidan oo uu ka mid yahay Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Diini, waxaana lagu wadaa inay caawa ku hoydaan Baydhabo, maalinka berry ahna ay dib ugu laabtaan Muqdisho.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15343









