Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday warshad lacago loogu samaynayo dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Suudaan uga qeyb galay 57 guuradii ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xornimada qaatay ayaa booqday warshad lagu farsameeyo lacagaha, taasoo dowladda Soomaaliya lacagoloogu samaynayo, iyadopo dalabka lacag samayntaas ay horay u dalbataydowladdii KMG ahayd,  taasoo lagu heshiiyay inay Suudaan sii heyso tan iyo inta laga tayaynayo laamaha maaliyadeed  ee  dowladdda Soomaaliya.

Dhanka kale waxa uu habeenkii xalay  madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan oo uu uga warbixiyay xaaladda iyo isbeddelka ka jira dalka, wuxuuna sheegay in laga soo gudbay xilligii ku meel gaarnimada isagoo faahfaahin ka bixiyay doorashooyinkii ka dhacay dalka iyo horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay jirtay.

Madaxweynaha waxa uusidoo kale uu mahad celiyay dowladda Suudaan oo uu ku ammaanay fursadaha waxbarasho ee ay siisay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ku sugan xilligii uu burburka ka jiray dalka Soomaaliya, sidoo kalena kaalmo u fidisay ayuu yiri shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kaleMadaxweynaha Jamhuurriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay casho sharaf la qaatay dhigiisa dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, waxayna kawada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya, wuxuuna madaxweynaha Suudaan uu balanqaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siinayo dowladda Soomaaliya.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15330

Posted by AqilDalmar on Jan 3 2013. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK