Baydhabo oo ay booqdeen Wasiirradii laga sugayay (Ujeeddada ay u tageen oo la shaaciyey)
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bay, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wasiirka waxaa wafdigiisa ku wehliya xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, taliyaha ciidanka xoogga dalka Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan wafdiga ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu ay tahay mushaar siinta ciidanka dowladda ee gobolka Bay ku sugan.
Sidoo kale wuxuu socdaalka la xiriiraa qiimeynta xaaladaha ammaan iyo midda nololeed ee gobolka iyo sidii loo ballaarin lahaa howlgallada ciidamadu ka wadaan gobollada Bay iyo Bakool.
Safarka wasiirka gaashaandhiga ayaa qeyb ka ah mid muddooyinkii u dambeeyey uu ku marayay gobollada ay dowladdu ka taliso.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15324












