Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-shabaab ay diyaarsadeen Gaadiidkii ay ku baxsan lahaayeen
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. C/kariin Yuusuf Aadan ayaa sheegay inay heleen warbixin ku saabsan saddex goobood oo saraakiisha iyo xoogaga Al-shabaab ay isku aruursanayaan, halkaasoo ay u yaalaan gaadiidkii ay ku baxsan laheayeen.
Waxa uu Abaanduulaha ciidamada xoogga Soomaaliya uu sheegay in deegaanada ku teetsan Wabiga Shabelle ay isku aruursanayaan xoogaga Al-shabaab, halkaasoo uu xusay inay saldhigyo iyo xarumo qarsoodi ku leeyihiin.
Jen. Dhega badan waxa uu sheegay in ay hayaan xog ah in saddex meelood oo webiga Shabelle ah ay doomo ugu xiran yihiin ayna doonayaan inay ku baxsadaan, balse sida uu sheegay ay halkaasna uga daba tagayaan oo aysan meelna uga hari doonin.
Dowladda waxaan ka dalbanaynaa inay amar ku siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in meelaha ay xoogaga Al-shabaab ku dhuumaaleysanayaan ay uga daba tagaan, si buu yiri loo soo qabqabto.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in degaan muhim ah ay dhawaan kala wareegeen xooggaga Al-shabaab, kaasoo ah deegaanka Saqiiro oo ku yaala dhanka waqooyi bari ee magaalada Muqdisho, kana tirsan Shabellaha Hoose, halkaasoo uu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay xoogaga Al-shabaab weeraro ka soo qaadayeen.
“Deegaanka Saqiiro kalama aynaan kulmin wax iska cabin ah, waxaana helnay warbixin ah in cadowgu ay u gudbeen wabiga si ay halkaas uga sii baqoolaan” ayuu yiri.
Deegaanka Saqiira oo sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda mar waliba laga soo weerari jiray Muqdisho ayaa waxaa shalay booqday wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuuna wasiirku hadal u jeediyey dadka ku nool degaankaas.
Waxa uu Wasiirku ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab inay dib ugu soo laabtaan qoysaskooda, si mustaqbalkooda aanay mugdi u gelin.
“Meeshaan waa Saqiiro meel la yiraahdo waxaa ku yaala ceel, waxay ka mid aheyd meelo laga soo abaabuli jiray dagaalada dhuumaaleysiga ee Muqdisho iyo dacaladeeda had iyo jeer laga soo qaadi jiray” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka. Oo tibaaxay in ciidamadu ay xilli kasta iyo saacad kasta howlgalo ku qaadaan goobaha laga soo abaabulo weerarada, ayna baacsadaan una daba galaan meelaha loogu sheego Al-Shabaab.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15097












