Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
Madaxweynaha Somalia iyo wafdigii uu horkacayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay booqasho shan cisho qaadatay ku soo kala bixiyeen dalalka Kenya iyo Ugandha.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen raisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibeda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka Difaaca C/xakiin Xaaji Fiqqi ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha madax ka tirsan goleyaasha dowlada iyo saraakiil.
Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay garoonka Aadan cadde ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay booqdeen dalalka Kenya iyo Ugandha uunaa safarkooda ku soo dhamaaday guul.
“Nairobi waxaan kula kulanay madaxda Kenya wax badan ayaan ka wada hadalnay oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xoojintiisa, heshiisk isaashi oo dhinacyo badan taabanayana waa la soo galnay” ayuu intaa ku daray madaxaweynaha.
Sidoo kale maadaxweynaha Somalia ayaa intaa ku daray in booqdeen magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayna kulamo la soo qaateen madaxweynaha dalkaas Yuweri Musaveni isagoo xusay in ka wada hadleen xaalada Somalia iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha nabada
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=15074












