Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo dalbaday in kooxaha Burcad badeeda loo soo gacangeliyo dowladda Soomaaliya si ay….

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay kooxaha burcad badeeda ee dalka gudahiisa dib loogu soo celinayo, isla markaasna lagu heynayo xabsiyada waa weyn ee laga furay maamulada Somaliland iyo Puntland ee loogu talogalay in lagu hayo kooxaha burcad badeeda ee Soomaalida ah ee lagu soo maxkamadeeyay dalalka dibadda ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf oo shalay hadal ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayey in ka badan 90 howl-wadeen oo isugu jira garsoorayaal, xeer ilaaliyayaal, kaaliyaal iyo gaarsiiyayaal ka howlgalayey garsoorka dalka ayaa ka codsaday ciidamada caalamiga ah ee ku sugan biyaha Soomaaliya in maxaabiista burcad badeeda ah ee la qabto lagu soo wareejiyo dowladda Soomaliya si loola xisaabtamo dacwadoodana loogu qaado gudaha dalka.

“Ciidamada ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ee sheegta inay la dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxaan u sheegaynaa inay gacanta dowladda Soomaaliya soo geliyaan cid kasta oo ay soo qabtaan si loogu maxkamadeeyo gudaha dalka Soomaaliya, isla markaasna ay dowladda Soomaaliya ula xisaabtanto, wixii hadda ka horeeyay dowladda Soomaaliya xisaabtan ma geli-karin oo KMG ayey aheyd, laakiin hadda waa dowlad rasmi ah oo xisaabtan la imaan karta” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Caydiid C/laahi Ilka-xanaf.

Si kasta oo ay ahaataba munaasabada uu Guddoomiyaha hadalka ka jeediyay ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaliya C/llaahi Abyan Nuur iyo saraakiil sarsare oo dhinaca garsoorka qaabilsan, wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf waxa uu wasiirka garsoorka kala hadlay oo uu u sheegay in muddo hal sano ah uu socday aqoon kororsiga shalay la soo gabagabeeyay, isla markaasna hadafkiisu ahaa sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta garsoorka dalkeena si ay bulshada uga kaafiyaan adeega cadaaladda.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14743

Posted by AqilDalmar on Dec 13 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK