Ururka Jaamacadda Carabta oo sheegay inay ka qeybqaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya

Ka dib kulan ay shalay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Howlaha guud, gaadiidka iyo Dekadaha iyo safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya Maxamed Idiris ayaa waxaa looga hadlay sidii Jaamacada carabta Soomaaliya ay u taageeri laheyd.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaarada ee Magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaasi waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Muxudiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka howlaha guud iyo safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya  Dr Maxamed Idiris.wuxuuna wasiirka oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay uu sheegay in ujeedka kulankooda uu ahaa sidii Jaamacada carabta ay uga taageeri laheyd xarumaha Dowladda ee sanadihii dambe burburka xoogan ka muuqday dib udhiskooda.

Sidoo kale Dr Maxamed Idiris Safiirka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Jaamacada carabta ay Dowladda Soomaaliya ka taageerayso dib udhiska xarumaha Dowladda soomaaliya ee ku burburay dagaaladii kadhacay Soomaaliya

Intaasi kadib ayaa wasiirka howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya wuxuu dhagax dhigay Xarunta farsamada Gaadiidka Dowladii dhexe taas oo dhismaheeda ay gacan kageysaneyso Jaamacadda Carabtu.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14732

Posted by AqilDalmar on Dec 13 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK