Faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxa dagaalo iyo qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaasi laga maqlay qaraxyo iyo rasaas ka dambeysay, waxaana la sheegay in rasaasta ay aheyd mid ay isweydaarsanayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhigga magaalada iyo xaruntii hore ee dalxiisa oo la sheegay in labadaba ay deganyihiin ciidamada dowladda.

Sida warku sheegayo markii hore waxa uu qarax xoogan uu ka dhacay xarunta dalxiiska, ka dibna waxaa xigay rasaas xoogan oo la sheegay inay isweydaarsanayeen kooxihii weerarka qaraxa ah geystay iyo ciidamada dowladda ee fariisinka ku lahaa xarunta dalxiiska, halka warar kale ay sheegayaan in rasaasta ay fureen ciidamada dowladda Soomaaliya markii qaraxa lala beegsaday ka dib.

Dad goob-joogayaal ah oo ku sugan gudaha magaalada Jowhar ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas aad u xoogan oo u muuqatay in labado dhinac ay isweydaarsanayeen, inkastoo ay sheegeen inaysan xaqiijin karin waxa ay rasaastaasi tirada badneyd ee dhacday ay aheyd, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo rasaastii ka dambeysay, wuxuuna qaraxan xalay dhacay uu ku soo aaday iyadoo shalay sidoo kale uu qarax-weyn ka dhacay goob fariisin u aheyd ciidamadii Al-shabaab ee horay gacanta ugu hayey magaalada Jowhar, kaas oo la sheegay inuu ku dhintay hal-ruux oo arday ahaa.

Dhinaca kale ciidamo isugu jira boolis iyo kuwa nabad-sugidda ayaa howlgal baaritaano ah ka sameeyay xaafadaha magaalada, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay si gaar ah u u gaarsanayeen dhalinyaro ay sheegeen inay u maleynayaan inay ka tirsanyihiin xarakada Al-shabaab, waxaana la sheegay inay qabqabteen dhalinyaro badan oo ka mid ah kuwii ku noolaa degmadaasi, waxaana intii uu socday howgalkaasi gudaha magaladaasi laga maqlay qarax weyn oo laga maqlayey gudaha magaaladaasi oo dhan kaas oo aan la ogeyn inuu khasaare geystay iyo in kale.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa u sheegay warbaahinta inuusan qaraxaasi wax khasaare ah geysan islamrkaasna uu ka dhacay sida uu yiri goob fariisin ku lahaan jireen ciidamada xarakada Al-shabaab, waxaana jira warar ka madaxbanaan ka saraakiisha dowladda oo sheegaya in qaraxaasi uu khaasre geystay inkastoo aan la faahfaahin khasaaraha uu geystay .

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14723

Posted by AqilDalmar on Dec 12 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK