Dagaal dhexmaray ciidamada bada ee Puntland iyo Burcad badeed oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Wararka naga soo gaaraya degmada Garacad ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in hal askari oo ka mid ah ciidamada bada ee Puntland uu ku dhintay iska horimaad ka dhacay degmada ka dib markii ay halkaasi gaareen ciidamada oo u socday inay soo furtaan markab ay afduubeen koox burcad badeeda ah.

Burcad badeeda iyagu heystay markabka ayaa la sheegay inay weli heystaan markabkii, iyadoo lagu guuleysan waayey in burcad badeeda laga dejiyo markabkaasi, waxaana kooxda burcad badeeda la sheegay inay jidgooyo dhanka beriga ah u dhigeen ciidamada soo gaaray meel Waqooyiga ka xigta magaalada Garacad una jirta 30-km, halkaasi oo la sheegay in ciidamada iska caabin kala kulmeen kooxda markabkaasi heysta.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Saracen oo gacan siineysay ciidamada Bada, ayaa la sheegay in burcad badeeda ay rasaas ku rideen, iyadoo la sheegay in sidoo kale dhaawacyo soo gaareen dhinaca burcad badeeda halka wararkale sheegayaan inuu ka dhintay mid kooxdii jidgooyada u dhigtay ciidamada.

Dhanka ciidamada ayaa la sheegay inuu ka dhintay hal askari halka 3 kalena ay ka dhaawacmeen kooxda burcad badeeda ee markabka heysta ayaa la sheegay inay isugu jiraan kuwo kasoo jeeda deegaanada Puntland iyo koox kale oo ka timid koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Hobya.

Ciidamada Puntland ayaa hada ku sugan meel u dhaw magaalada Garacad halka Burcad badeeda ay weli dulsaaran yihiin Markabka ay xoogga ku heystaan kaasi oo yaal meel aan ka fogeyn xeebta, waxaana la sheegayaa in markabka uu soo caariyey balse dushiisa weli lagu heysto shaqaalihii markabka, ciidamada ayaa hada la sheegayaa inay isku dayayaan inay go’adoomiyaan burcad badeeda markabka saaran kuwaasi oo difaac uga jira dusha markabka iyo nawaaxiga u dhaw.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14711

Posted by AqilDalmar on Dec 12 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK