Dowladda Jarmalka oo soo bandhigtay magacyada dad Soomaali ah oo ay ku eedaysay inay u heysato…

Labo nin oo Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay qaraxyo ka geysan rabeen xarunta tareemada magaalada Bonn ee dalka Jarmalka ayaa xabsiga la dhigay shalay, waxaana labadan nin looga shakiyey iney ka da,beeyeen boorso waxyaabaha qarxa ku jireen oo la dhigay xaarunta tareenada magaalada Bonn.

Raggani la qabtay oo magacyadooda lagu soo kala gaabiyey C/risaaq B iyo Cumar D ayaa horay Booliska ay dabagal ku hayeen, kuwaas oo horay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Bonn xilli ay ku sii jeedeen Amsterdam ka dibna ugu sii gudbi rabay dalka Yugandha oo loo maro Soomaaliya, xilligaasi oo laga helay midkood qoraal caddeynayay in ay ku biireen kooxaha xagjiriinta ee Argagixisada, inkastoo mudo kadib lasii daayey.

Baaris ay Booliska sameeyeen ayey waxay ku heleen dad muuqaalka raggani arkayay xiligii la dhigay boorsada, waxaana dabagal la sameeyay kadib Talaadadii maanta lagu soo qabqabtay labadani nin oo midba meel ku sugnaa, booliska waxay sheegeen in raggani ay ka tirsan yihiin kooxo mindidiin ah oo si weyn loo yaqaan isla markaana booliska ay ka war qabaan, waxaana sarkaal u hadlay Booliska uu sheegay in maxkamad la horkeeni doono Omar D iyo Abdirisaq B, inta ka horeysana ay xernaan doonaan.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14707

Posted by AqilDalmar on Dec 12 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK