Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyey qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, kana dalbaday…

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay su’aalo weydiiyay Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Su’aalaha wasiiradan la weydiiyey ayaa waxay kala ahaayeen sababtii loo xiray wariyihii BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan iyo sababtii loo kireeyay safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Talyaaniga, “Waxaa naga go’an inaan ka daba-tagno dhammaan hantida qaranka Soomaaliyeed ee dibadda ku maqan, sida guryaha, diyaaradaha iyo maraakiibta, laakiin su’aasha aad i weydiiseen waa mid aniga iga horeysay, aniga iyo Ra’isul wasaaruhu waan ka hadalnay mowqifka dowladda ee ku aaddan hantida qaran ee maqan” ayey tiri wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale wasiiraddu waxay sheegtay in guddi ay iyadu madax u tahay loo saaray daba-galka hantida qaranka Soomaaliyeed ee dibadda ku maqan, iyadoo intaas ku dartay in inay direen dad uga soo warbixiya hantida qaranka ee maqan iyaguna ay ka warsugayaan wixii ay u soo gudbiyaan.

Dhanka kale wasiirka gaashanadhigga Soomaaliya ayaa isagana la weydiiyay su’aal ku saabsanays sababtii keentay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xirto wariyihii BBC-da, isagoo sheegay in xarigga wariyaha uu ku yimid tabinta war ku saabsan in si xaqdarro ah ay maxkamaddu u dishay wiil Soomaaliyeed oo lagu magcaaaba C/qaadir Yoonis, kaas oo aan loo qaban wax qareen oo ah u dooda, wuxuuna yiri wasiirku “Xaqiiqdii wariye Ibraahim shaqada waa ku cusbaa, wuxuu shaqeynayey laba bilood oo keliya, waxaana caddaatay inuusan laheyn tababar iyo xirfad ku filan shaqada uu hayo, markii maxkamaddu ay weydiisay inuu maxkamadda horteeda keeno ama u sheego ninka uu sheegay inuu yahay abbaha wiilka la dilay wuuna awoodi waayey, wuxuuna sheegay inay aabaha uu wareystay uu ku suganyahay Jowhar weligiina uusan  la kulmin caddeyn aan aheyn wareysigiisana uusan aheyn, taasina waxay caddeyn u noqotay in wariyuhu ku xad-gudbay howshiisa”.

Wasiirku wuxuu sheegay in wafdi ka socda BBC-da ay Muqdisho yimaadeen ayna raali-gelin ka bixiyeen warkii ay sii daayeen, wuxuuna xusay in taasi ay keentay in la sii daayo wariyaha oo hadda aan ku jirin gacanta ciidamada xoogga dalka.

 

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14701

Posted by AqilDalmar on Dec 12 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK