Siyaasi wasiiro kala duwan soo noqday oo xalay geeriyooday iyo Ra’isul wasaarihii hore oo ka hadlay

Allaha u naxriistee waxaa xalay magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday siyaasi iyo ganacsade caan ahaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii hore ee Soomaaliya horey u soo maray .

Cusmaan Axmed Rooble {Foodey} oo ka mid ahaa halgamaayshii Soomaaliya xilal kala duwanna ka soo qabtay dowlaihii daaqiliga iyo dowladii dhaxe ee Soomaaliya ayaa xalay oo talaado aheyd magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday ka dib xanuuno mudooyinkan hayey sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Cali Maxamed Geedi Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa geerida ganacsadahan xaqiijiyey wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Axmed Cusmaan Axmed.

Cusmaan Axmed Rooble {Foodey} waxa uu soo noqday wasiirkii maaliyadda dowladdii daakhiliga, waxa uu sidoo kale soo noqday wasiirkii shaqaalaha ka hor inta aysan dalka ka curan dowladdii Kacaanka ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Allaha u naxriistee Cusmaan Axmed Rooble ayaa dowladdii dhaxe ee dalka sidoo kale ka soo noqday wasiirkii gaadiidka, isagoo sidoo kale labo mar laga soo doortay degmooyinka Aadan Yabaal iyo Cadde si uu kaga mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu ahaa Cusmaan Axmed Rooble {Foodey} siyaasi rug cadaa ah iyo sidoo kale ganacsade aad looga yaqaanay Soomaaliya, waxa uuna mar soo noqday Guddoomiyihii rugta ganacsiga Soomaaliya sida uu sheegay Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka hadalay taariikha marxuumka, waxaana la sheegay in marxuumka uu u dhintay killiya xanuun muddi dheer hayey.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14688

Posted by AqilDalmar on Dec 11 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK