Maamulka Somalinad oo dowladda Soomaaliya kula taliyey inay sameyso Gole Guurte si ay…

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee maamulka Somaliland Maxamuud Axmed Barre Garaad ayaa ka hadlay arrimaha koonfurta Soomaaliya, wuxuuna talo ahaan u soo jeediyey qaabka loo maro dib u heshiisiinta beelaha iyo sida ugu haboon ee ay xal kaga gaari karaan dadka Soomaaliyeed khilaafka siyaaasadeed ee daashaday, isagoo faahfaahin ka siiyey wadadii ay Somaliland u martay dib u heshiisiintii beelaha iyo sidii ay u dheceen shirarkii la doonayey in Somaliland dowladnimadeda lagu yagleelo.

Wasiir Maxamud Axmed Barre {Garaad} oo shalay ka hadlay kulan ku saabsanaa nabadda iyo amniga oo ay isugu yimaadeen xubno ka kala socday dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu dowladda Soomaaliya kula taliyey inay u heshiisiinta ka daayaan siyaasiyiinta loo dirayo, waxaanu u soo jeediyay inay Gole Guurti oo dhaqan beelaha Soomaaliya dega matala sameystaan, taas oo uu sheegay inay tahay xalka ugu dhow ee ay Soomaalia ku heshiin karto.

Mr. Garaad ayaa waxa si qoto dheer uga xog waramay shirarkii ugu horeeyay ee ay beelaha Somaliland ku yeesheen Boorama iyo Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay inay ku hirgaleen samir iyo isku tanaasul ay ummadda reer Somaliland sameysay, isagoo tilmaamay in ugu horeyn loo baahanyahay in la isku samro oo wax la iska maqlo.

“Soomaaliya haddii la doonayo in lagu heshiiyo horta waa in Gole Guurti oo metela beelaha ood han loo sameeyaa, kuwaas ayaa la shirinaya oo xal gaari kara, laakiin waa inaan dib u heshiisiinta loo dirin siyaasiyiinta, waayo shirkii ugu horeeyay ee beelaha Somaliland ku heshiinayeen ee Boorame lagu qabtay wax siyaasiyiin ah lagama ogoleyn oo dibadda ayey ka joogeen, waxay soo go’aamiyaanna shirka ayey keenayeen” ayuu yiri ugu dambeyntii wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee maamulka Somaliland Maxamuud Axmed Barre Garaad.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14685

Posted by AqilDalmar on Dec 11 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK