Xaasaska saddexda mas’uul ee dowladda Somalia oo si wadajir ah howl muhim u ah u qabtay(Daawo sawirrada)
Xaasaska saddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal Wasaare Saacid iyo Guddoomiye Cusmaan Jawaari ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabo muhim ah kadib markii ay deeq raashiin iyo daawo ah u geeyeen naafada ku sugan Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Saddexda Xaas ee madaxda dalka oo wada socda ayaa waxay ciidamadii hore ee u naafoobay qaranka Soomaaliya waxay u geeyeen raashiin iyo daawooyin kala duwan iyadoo dawada ay ka guddoontay Agaasimaha isbitaalka Martini Drs. Caasha oo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay booqashada ay maanta ku yimadeen marwooyinka madaxda dalka Isbitaalka, taasina ay tahay bilow wanaagsan.
Xaaska Ra’iisal Wasaaraha Caasho Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in ay gaarsiiyeen Isbitaalka deeq isugu jirta Hilib, Bariis, Caano iyo lacag ayna ugu tala galeen naafada ku jirto Isbitaalka Martiina oo ay muddo deganaayeen.
Xaaska Guddoomiyaha Baarlamaanka Marwo Xaawo iyo Xaaska labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya Sahro Cumar Xasan ayaa iyaguna sheegay inaysan deeqdani noqon doonin tii ugu horreysay oo ay sii wadi doonaan.






Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14668












