MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO GACAN KA DHAAWACMAY(DAAWO SAWIRRADA)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sawir laga qaaday waxaa ka soo muuqanayay dhaawac ka soo gaaray gacanta, iyadoo la arkayo in gacanta faashad kaga duuban tahay.

Madaxweynaha oo jeedinayay khudbad ayaa ka hadlay ciidamada hubeysan ee magaalada Muqdisho hadba dhinac mar u gooshaya, wuxuuna sheegay in ciidamadaas tallaabo cad laga qaadayo.

Madaxweynuhu  waxa uu tibaaxay in wax badan uu ku daalay maqalka rag ku labisan dareeska ciidamada ayaa dad ku dhibaateeyay Muqdisho, qaar way dileen, haween bay kufsadeen ama dhac bay geysteen,  taasina xal deg deg ah ayay dowladda ka gaari doontaa ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe ah in dhamaan ciidamada hubeysan magaalada laga saarayo kuwaas oo xeryaha ciidamadana la geyn doono marka askariga uu soo baxayana ay noqoneyso kaliya inuu shaqo u soo aaday magaalada ama ehelkiisa uu fasax u aadayo.

“Waxaan ku daalay Maqalka askari ku labisan dharka dawlada ayaa dad dhibaateyey laakiin muddo kooban lama maqli doono,mana ogolaan doono maleeshiyaad dharka dawlada ku labisan oo shacabka dhibaateeya” ayuu yiri madaxweynaha”.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu cod dheer ku sheegay inay mar walba ku dadaalayaan sidii walaalahooda Soomaaliyeed ee ka tirsanaa Al-shabaab ay u soo dhaweyn lahaayeen haddii ay ka soo laabanayaan fikirka qaldan ee lagu shubay.


Warkan ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhibaato weyn shacabka Muqdisho ay kala kulmaan  askarta dowladda Soomaaliya oo dadka dhac iyo dil u gysta haweenkana kula kaca kufsi.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14661

Posted by AqilDalmar on Dec 10 2012. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK