Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya oo tegay degmada Jowhar

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ay shalay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab oo heystay muddo saddex sano ah.

Safar dhinaca dhulka ah ayay wasiirka iyo saraakiisha la socotay ku tageen degmada Jowhar, wuxuuna  sheegay wasiirku inay si nabadgelyo ah ku tageen degmada Jowhar, ayna dadka ku nool si wanaagsan u soo dhaweeyeen.

Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in degmada Jowhar uu ku tago safarkiisii ugu horreeyay, wuxuuna xusay in xaaladda degmada ay tahay mid aad u wanaagsan.

Waxa uu Wasiirku sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u sii gudbeean gobolka Hiiraan ayna qorsheynayaan inay qabtaan degmada Buula-burde oo deris la ah gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ayaa shalay labada dhinac ee laga soo galo magaalada Jowhar ka galay  iyadoo aanay jirin wax iska cabin ah oo lagala horyimid kadib markii xoogaga Al-shabaab ay isaga bexeen magaaladaas iyagoon dagaalamin.

Dadweynaha ku nool degmada Jowhar ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid degan,  iyagoo xusay inaysan jirin wax dhibaatooyin ah oo ay ciidamada dowladda kala kulmeen, waxaana maanta dib u furmay goobaha ganacsiga iyo waxbarashada xilli shalay ay goobahaasi xirnaayeen.

 

 

 

 

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14658

Posted by AqilDalmar on Dec 10 2012. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK