Kooxo hubeysan oo nin Nabaddoon ahaa Muqdisho ku dilay

Nabaddoon Maxamed Codeey ayay xalay Kooxo hubeysan ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho xilli uu ka soo baxay Garaash uu ku xarteysanayay Gaari uu watay.

Nabaddoonka la dilay oo ka mid ahaa ergadii ka qeyb gashay shirkii Ansixinta dastuurka ee bishii Agosto ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in kooxihii dilkiisa geystay ay baxsadeen.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in nabaddoonka lala dilay nin kale oo ka ag dhawaa goobta dilku ka dhacay kaasoo ku qeyliyey dilka nabaddoonka, balse kooxihii hubeysnaa ay ku aamusiyeen rasaas ay ku fureen oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday, halka warar kale ay sheegayaa in uu ninkaasi ahaa ilaaladii nabadoonka.

Waa nabaddoonkii labaad oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee soo xushay ergadii ansixisay dastuurka ee lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoo kooxda Al-shabaab ay lacag u ballanqaadeen ciddii soo disha, dhaawacda ama soo qabata nabaddoonada ka qeyb gashay shirkaas.

Muqdisho dilalka ka dhaca si xor ah ayay u dhacaan mana jirto cid wax ka qabata ama ka hortagta, waxayna mararka qaar dilalku ka dhacaan meelo ay ka ag dhow yihiin ciidamada dowladda ama dad badan oo ka hortagi kara labada wiil ama saddexda ah ee dilalka geysta, marka uu dilku dhaco ayayna goobta tagaan oo ku xoomaan, ciidamaduna u qabqabtaan dad aan shaqo ku lahayn.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14559

Posted by AqilDalmar on Dec 6 2012. Filed under WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK