Al-shabaab oo sheegtay in dagaalladeeda ay u wareejisay dhanka Puntland

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay degaannada Puntland ka bilaabeen dagaaladooda, isla markaana ay haatan iyo wixii ka dambeeya weerari doonaan xubnaha la shaqeeya maamulka Faroole ee ka jira Puntland.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka dhinaca howlgalada ee xoogaga Al-Shabaab ayaa ka hadlay dagaalo habeen hore ciidankooda ku sugan buuraha Golis iyo kuwa Puntland ku dhex maray degaanka Suggure oo ku yaala meel khiyaastii 50-km dhinaca K/galbeed kaga toosan magaalada  Boosaaso, wuxuuna sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid ay iyagu qaadeen ayna ku laayeen ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka Puntland oo gaaraya illaa 30 askari, isagoo xusay in dhinacooda ay ka shahiideen afar nin oo kaliya sida uu warka u dhigay.

Waxa kale oo uu sheegay inay la wareegeen saldhigii maamulka Puntland ku lahaayeen degaanka Suggure, ayna ka soo qaateen hub fara badan.

Sidoo kale Abuu Muscab waxa uu sheegay in waddo ciidamadii ku sugnaa degaan Sugure ay isticmaali jireen ay miino kula kacday Gaari ay la socdeen ciidamo gurmad ahaa, halkaasna ay khasaare dhimasho 10 askari ka badan iyo tiro kale oo dhaawac ay ugu geysteen ciidamadaas gurmadka ahaa.

Abuu Muscab waxa uu shaaciyay in dagaalkaas uu bilow u yahay howlgal ay xididada ugu siibayaan maamulka Puntland sida uu yiri.

Maamulka Puntland ayaa qirtay in askar 10 ka badan looga dilay dagaalkaas ayna wadaan qorsheyaal ay weerar kama dambeys ah ugu qaadayaan buuraha Golis si ay halkaas uga saaraan xoogaga Al-shabaab ee ku dhuumanaya buurahaas sida ay yiraahdeen.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14556

Posted by AqilDalmar on Dec 6 2012. Filed under WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK