Sarkaal ka tirsanaa hayadda FAO oo Baydhabo ku xiran iyo sababta loo xiray oo la shaaciyay

Sarkaal ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qabailsan cunnada iyo beeraha Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano FAO ayaa xalay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kala bexeen hoygiisa magaalada Baydhabo.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Idris Cabdi Dhaktar ayaa ah madaxa gobollada Bay iyo Bakool ee Hay’adda cunadda iyo beeraha ee FAO ayaa amarka lagu xiray waxaa bixiyay maamulka Gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Bay Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in ninkaas ay xalay ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaala magaalada  Baydhabo uu yahay shaqsi ka tirsan Al-shabaab isla markaana gacan saar weyn la leh.

Waxa uu Taliyuhu sheegay in ninkaas muddo badan baaritaan lagu hayay, dushana lagala socday howlaha uu qabanayay, ugu dambeyntii waxaa la soo xaqiijiyay inuu ka mid yahay Al-Shabaab caddeymo buuxa ayaana u heynaa, wuxuuna sheegay in sida Al-shabaab oo kale aysan dadka iska gowracine ay maxkamad soo taagayaan.

Sidoo kale taliyaha waxa uu sheegay in ninkaas uusan haatan ahayn madaxa hayadda cuntada iyo beeraha FAO, shaqadaasna laga ceyriyey shan bilood kahor sababo la xiriira tuhunno ku saabsan inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Laakiin Saraakiisha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ninkaasi uu yahay madaxii Hay’ada dhinaca beeraha u qaabilsan dhinaca Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayna ka xun yihiin in la xiro.

Waa sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan Q/midoobay oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay xabsi dhigaan kadib markii ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanno badan oo Baydhabo ka mid tahay.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14553

Posted by AqilDalmar on Dec 6 2012. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK