Warbixin dheeraad ah qaraxii ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Qarax bambaano oo duhurnimadii maanta ka dhacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaaawacantay in ku dhow labaatan haween ah oo ku sugnaa qeybta dahablaha ee suuqa Bakaaraha.

 

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu qaaday taliye ku xigeenka ciidamada Booliska suuqa Bakaaraha oo xilligaas ku sugnaa agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la sheegayaa in taliye ku-xigeenka uu ka badbaaday qaraxaas balse ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo u badnaa haween, gaar ahaan kuwa ka ganacsada dahabka.

 

Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu tuuray Bamkaas waxyeellada geystay ayay ciidamada Boolisku shaaciyeen in ay gacanta ku dhigeen, isla markaana ay jiraan dad kale oo lala qabtay.

 

Dhawaanahan oo Muqdisho aysan wax qaraxyo ah ka dhicin ayuu qaraxan noqonayaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca suuqa bakaaraha muddooyinkii la soo dhaafay, inkastoo dhawaan lagu dilay bartamaha suuqa bakaaraha Guddoomiyihii gacansatada ee suuqa bakaaraha iyo kornel ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14547

Posted by AqilDalmar on Dec 6 2012. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK