Golaha wasiirrada oo qodobo muhim ah ka hadlay

Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.

 

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyay booqashadii uu shalay ku tegay koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho  oo uu u kuurgalay xaaladda amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dedaalkii lagu qaaday isbaarooyinka.

 

Sidoo kale wasiirradu waxa ay ka doodeen sidii loo howl gelin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ganacsato Soomaaliyeed diyaariyeen.

Maxjarkan ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo furo 31-ka bishan Disember, markaasoo lagu bilaabayo xoolo dhoofinta, waxaana la magacaabay guddi ka kooban Shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa xoolaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo, waxaana guddigaas ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka dalka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Guddoomiyaha Gudiga.

 

Sidoo kale Golaha ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, hubka noocyadiisa kala duwan, rasaasta, tuutaha, booshashka iyo dhammaan qalabka ay isticmaalaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14544

Posted by AqilDalmar on Dec 6 2012. Filed under WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK