Wafdigi ka socday IGAD oo Kismaayo gaaray iyo bandow ka dhaqangalay magaaladaasi

Wararka naga soo garaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in shalay galab magaaladaasi uu gaaray wafdi ka socday urur goboleedka IGAD, kuwaas oo la sheegay inay halkaasi ka sameynayaan dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee maamul loogu dhisayo gobolada Jubbooyinka oo ay ugu horeyso maamul u sameynta magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa soo dhaweyn u sameeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Sh. Axmed Madoobe, Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax, Col. Yasiin Raadeer, C/naasir Seerar, Gen. Cali Madoobe iyo mas’uuliyiin kale, waxayna kulamo ay la qaateen wafdiga ay kala hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo iyo dhaqdhaqaaqyada la doonayo in maamul loogu sameeyo.

Sida warku sheegayo wafdigan ka socda IGAD ayaa Kismaayo u tagay sidii ay wada-tashiyo ku aadan maamul u sameynta Kismaayo iyo gobolada Jubbooyinka ula yeelan lahaayeen beelaha kala duwan ee ku nool magaalada Kismaayo,  kuwaas oo qeyb ahaan la sheegay inay isku hayaan  ama ay ku kala aragti duwan yihiin  qaabka loo dhisaayo Maamul cusub ee loo sameynayo gobolada Jubbooyinka-

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ujeedada ugu weyn ee ay wafdiga ka socday IGAD u booqdeen Kismaayo ay tahay sidii ay haatan ugu dhisi lahaayeen maamul KMG ah, maadaama uu dhamaaday waqtigii loo egmaday inuu howsha sii wado maamulkii KMG ahaa ee loo sameeyay magaalada Kismaayo, kaas oo uu Guddoomiye ka ahaa Axmed Madoobe oo ah Guddoomiyaha ururka Raaskambooni.

Sida warku sheegayo ka dib dhismaha maamulka KMG ah waxaa la guda gelidoona soo daabulidda ergooyinka ka qeybgalaya shirweynaha la sheegay in maamul guud loogu sameynayo gobolada Jubboyinka iyo Gedo, waxaana maamulka KMG ah looga fadhiya tan iyo inta ay socoto dhismaha maamulka guud sugidda amnaanka magaalada, tan ergooyinka iyo fududeynta shirweynaha maamul u sameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14538

Posted by AqilDalmar on Dec 5 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK