Xaakim Mareykan ah oo sheegay in Soomaaliya ay leedahay oo keliya 12 miles oo biyaha badda ah, kana soo horjeestay

Ka dib markii uu muran badan hareeyay qaadista dacwad ka dhan ah kooxo burcad badeed Soomaali ah oo sanadkii 2011-kii markab dagaal oo Mareeykan ahi ka qabtay  meel xeebaha Soomaaliya u jirta 40 Mile ayaa Maxkamdda Federaalka Mareeykanku ku dhawaaqday in Biyaha xorta ah ee Soomaliya ay tahay 12 Miles oo wixii ka baxsan dadka lagu soo qabtana lagu maxkamadeyn karo dalka Mareykanka.

Kooxda Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa doon kuwa raaxada ah oo ay wateen lamaanayaal u dhashay Mareykanka oo tiradoodu gaareysay afar ku dilay doontii ay wateen kadib markii ay ka afduubteen meel u dhow dalka Cumaan, waxaana dacwad oogihii raggan soo eedeeyay uu maxkamadda ka codsaday in dil lagu xukumo, iyadoo uu muran ka dhashay halka laga soo qabtay iyo xuduudda biyaha ay ku jireen inay yihiin kuwa Soomaaliya iyo in kale.

Xaakimka Maxkamada Federaalka Mareykanka ayaa diiday in kooxdaasi Burcad badeeda ah lagu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya ka dib markii uu arrintaasi ku dooday qareenkii u doodayey kooxda lagu sheegay burcad badeeda “Soomaaliya biyaheeda xorta ah waa 200 oo Nautical Mile ayuu ku dooday qareenkii u doodayey kooxaha burcad badeeda, isagoo soo qaatay sharcigii 1972-dii oo dhigayey in Soomaaliya ay xaq u leedahay 200 N, Mile iyo 200 oo EEZ {Exclusive economic Zone ah}, hase ahaatee xaakimkii Maxkamadda ee Norfolk ayaa sheegay in taasi aysan sax aheyn oo Soomaaliya ay gashay heshiis caalami ah sanadkii 1982-dii kaasi oo dhigayay in Biyaheeda Xorta ah ay yihiin 12 Miles oo qur ah.

Muranka ku saabsan xaqa ay Soomaaliya u leedahay biyo badeedka gaaraya 200 oo N. Mile ayey dowladda Mareykanka xaakimkeedu ku adkeystay inaysan waxba ka jirin, waxaana markii dambe la sheegay in kooxdaasi oo markii hore la rabay in dil lagu xukumo la baajiyey, looguna bedelay xabsi dheer.

Sharciyaqaanada Soomaalida qaarkood ayaa sheegay inaanu jirin heshiis ka dambeeyay kii 1972-dii ee biyaha Soomaaliya ay xaqqa u leedahay ka dhigaya 200 N. Mile, waloow ay jiraan aqoonyahano Soomaaliyeed oo qaba in sharcigaasi la badalay 1988-dii, waana arrinta dhiiragelisay in Kenya iyo dalal kale ay ku doodaan in la calaamadeeyo biyaha Soomaaliya.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14534

Posted by AqilDalmar on Dec 5 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK