Niman iyo Naago siyaabo kala duwan loogu kala dilay magaalooyinka Hargeysa iyo Ceeri-gaabo ee maamulka Somaliland ka dib markii…

Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxa makhribkii Xalay  lagu dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Bashiir Jaamac Yare, waxaana toogtay nin kale oo rayid ahaa, kaas oo la sheegay in markii uu dilka geysatay ka dib uu goobtii isaga baxsaday.

Marxuumka ayaa waxa la toogtay waxyar ka dib Salaadii maqrib ee xalay, waxaana la sheegay in marxuumku geeriyooday markii rasaastu ku dhacday ka dib, iyadoo maydkiisa la geeyay Isbitaalka magaaladda Ceerigaabo, waxaana goobtii dilku ka dhacay isla markiiba tagay ciidamo ka tirsan kuwa aamnka ee maamulka Somaliland, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baaritaano kala duwan, inkastoo aan la sheegin inay dad u soo qabteen dilkaasi iyo in kale.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka, waxaase jira warar sheegaya inuu la xiriiro aano qabiil iyo dilal horey gobolka Sanaag uga dhacay, iyadoo dhinaca kale la soo sheegayo in dilka ninkaasi uu xiisad ka abuuray gudaha magaaladaasi, inkastoo aan la sheegin cid kale oo wax loo geystay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in nin biraha Baabuurta ka ganacsada oo magaciisa lagu sheegay Siciid Muxumed Cali {Ina Cirro weyne} uu xalay dhawac halis ah u geysty haweeynay ka mid ah ku qaadwalaha loo yaqaano taas iyana magaceeda lagu sheegay Ardo Muumin, waxaana la sheegay inuu la dhacay toorey uu heystay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ninkan ku qaaday inuu dhaawac halis u geysto haweenaydaasi oo hadda lagaga daweynayo dhaawaca halista ah ee soo gaaray isbitaalka magaalada Hargeysa, waxaase jira war aan la xaqiijin oo sheegaya in ninka waxa dilay uu ka xanaaqay hadal ka soo yeeray gabdhaasi oo sida warku sheegayo xisbi uu taagersanaa ninkaasi ku tiri wuu haray xisbigaasi oo wuu dhacay xisbigaasi oo la sheegay inuu ka mid yahay kuwa hadda ku loolamaya doorashada dowladaha hoose ee maamulka Somaliland, mana jirto cid si rasmi ah u xaqiijineysa arrintani.

Sida warku sheegayo ninkii dilka geystay ayaa iska xaadiriyey saldhiggii ugu dhawaa isagoo leh anigaa dembigaasi geystay ee hala i xiro, waxaana la sheegay in boolisku ay baaritaano kala duwan ku sameeyaan qaabka uu u dhacay dilka iyo sababta ka dameysay in ninkii falka geystay uu iska soo xaadiriyo saldhigga ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa.

 

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14530

Posted by AqilDalmar on Dec 5 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK