Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus oo khasaare geystay uu shalay ku dhexmaray deegaan lagu magacabo Garsaale ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah iyaguna.

Sida warku sheegayo dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 8-askari oo ah dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan, iyadoo la sheegay in dagaalka uu yimid ka dib markii ay ciidamada Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wararka laga helayo magaalada Jowgar ayaa waxay sheegayaan in dagaalkii shalay dhexmaray labada dhinac uu ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca gobolka Sh/dhexe, waxayna warar kale oo ka imaanaya magaalada Jowhar ay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay ciidamo farabadan soo gelisay gudaha iyo hareeraha magaalada Jowhar, waxayna dadka gobolka Sh/dhexe ay ugu baaqeen inay iska difaacaan duulaanka lagu soo qaaday gobolka sida ay yiraahdeen saraakiisha Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Asad Qaasim ayaa sheegay in 13-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaalka oo socday muddo ka badan labo-saac, wuxuuna xusay sarkaalku in dhankooda uu kaga dhintay dagaalka sida uu yiri hal askari, laba kalena ay kaga dhaawacmeen, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Ciidamada Al-shabaab ayaa na soo weeraray dagaalkuna wuxuu socday muddo saacado ah, dhankeena waxaa nooga dhintay hal askari, laba kalena way nooga dhaawacmeen, dhinaca Al-shabaabna waxaa dagaalka uga dhintay 13 askari”.

Dhinaca kale shir jaraa’id oo ay shalay magaalada Jowhar ku qabteen saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa waxay uga hadleen dagaalka ka dhacay deegaanka Garsaale, waxayna sheegeen inay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, isla markaasna ay u geysteen khasaare xoogan, askar ka badan 20-na ay ka dileen, sidoo kalena ay ka gubeen ciidanka AMISOM gaadiid dagaal, inkastoo aysan sheegin gaadiidka ay gubeen tiro ahaan inta uu la’egyahay iyo nooca uu yahay.

Dhanka kale ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa  waxay habeen hore madaafiic cylus ku garaaceen deegaano ka tirsan degmada Afgooye, waxaana la sheegay in madaafiicda ay AMISOM riday ay timid ka dib weerar madaafiic loo adeegsaday hoobiyeyaal ay ciidamada Al-shabaab ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gudaha degmada Afgooye.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14525

Posted by AqilDalmar on Dec 5 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK