Gen. Cali gaab oo ka badbaaday isku day dil, weerar lagu qaadayna uu ka soo gaaray dhaawaca,s heegayna inuu…

Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee Taraafikada Gen. Cali Xirsi Barre {Cali-gaab} ayaa shalay ka badbaaday isku day dil, inkastoo la sheegay in weerar lagu qaaday taliyaha iyo ciidamo la socday uu ka soo gaaray dhaawac fudud, waxaana taliyaha loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Sida warku sheegayo taliye Cali-gaab iyo gaadiid ciidan oo uu watay ayaa marayey xilliga la dhaawacayey jidka 21-ka Oktoobar, waxaana dhaawacay taliyaha oo rasaas ku furay gaadiidkii uu la socday askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay isbaaro u tiilay sida la sheegay wadada 21-Oktoobar degmada Waabeir ee magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in askarigii dhaawaca u geystay taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee magaalada Muqdisho uu baxsaday, isku dayo la doonayey in lagu soo qabtana ay noqdeen kuwo guuldareystay, waxaana dhaawaca taliyaha la dhigay oo lagu baxnaaninayaa haatan isbitaalka Daarul-shifa oo ah mid Isbitaa si gaar ah loo leeyahay oo ku yaala wadada Maka Al-Mukarama.

Gen. Cali Gaab oo ka hadlay dhaawiciisa ayaa sheegay inuu yahay mid aad u fudud, wuxuuna xusay in warbaahinta Soomaalida qaarkeed lagu baahiyey warar lagu sheegay in dhaawiciisa uu halisyahay ama uu dhintay, isagoo xusay inaysan waxba ka jirin warkaasi, isla markaasna uu noolyahay, uuna caafimaad qabo, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Dhaawac wuu i gaaray, balse waa mid fudud oo aan aheyn sida loo sheegay, warbaahinta qaarkeed waa balaayo afuuf  ka hesha dhibka un, kuna naaxda buunbuuninta warka been abuurka”.

Taliyaha ciidamada Taraafikada ee gobolka Banaadir Gen. Cali-gaab ayaa noqonaya taliyihii ugu horeeyay oo si bareer ah loogu dhaawaco gudaha magaalada Muqdisho, xilli ay dowladda Soomaaliya isku dayeyso inay soo celiso ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, lana soo amarayo maalinba maalinta ka dambeysa amaro dhowr ah oo lagu sheegayo inaan la arki karin askar hub ku dhex-wadata gudaha magaalada magaalada, inkastoo aysan askartu amaradaasi u dhego-nuglaan, Muqdishana ay caadi ka noqotay askarta hubka ku dhexwadata.

 

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14516

Posted by AqilDalmar on Dec 5 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK