Wadaad si weyn looga yaqaanay gobolka Gedo oo lagu dilay bartamaha magaalada Baardheere iyo Xarakada Al-shabaab 0o…

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in habeen hore kooxi bastoolado ku hubeysnaa ay ku dileen gudaha degmadaasi Sheekh caan ah, isla markaasna si weyn looga yaqaanay deegaanada gobolka Gedo iyo degmada Baardheere, kaas oo lagu magacaabi jiray Sheekh Aadan Isaaq {Madax-madow}.

Sida warku sheegayo Sheekh Madax-madow ayaa la dilay xilli uu habeen hore ku sii jeeday masaajid, waxaana la sheegay in dilkiisu ay ka dambeeyeen labo wiil oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo markii ay dilka geysteen ka dib goobka ka baxsaday, waxaana la sheegay in dad rayid ah ay isku dayeen inay qabtaan kooxihii dilka geystay balse ay rasaas isaga reebeen.

“Laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa dilay Sheekha, dhowr xabadood ayey ku dhufteen, wayna isaga tageen meesha markii ay dilka geysteen ka dib, daqiiqado markii ay ka soo wareegatay dilka ayaa waxaa goobtii isugu soo baxay dadweyne farabadan oo halkaasi ka qaaday meydka Sheekh” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Baardheere oo warbaahinta la hadlay, codsadayna inaan magaciisa laga sheegin warbaahinta sababo dhinaca ammaanka ah.

Ma jirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay dilka loo geystay Sheekhaaasi ka midka ahaa dadka ku nool degmada Baardheere, sidoo kalena si rasmi ah looma garanayo waxa ay ahaayeen kooxihii dilkiisa ka dambeeyay, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Xarakada Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Baadheere ee xarunta gobolka Gedo oo ku aadan dilka loo geystay Sheekh Madaxmadow.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaasi lagu dilay Baadari Kenyaan ah oo madax ka ahaa kaniisad ku taala magaaladaasi, iyadoo dilkiisuna uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool magaaladaas, waxaana la sheegay in xilliga la dilayey baadariga uu ku jiray gudaha kaniisadda, halkaas oo ay inta ugu galeen kooxo bastoolado ku hubeysnaa ka dibna ku dhextoogtay, diidna ka baxsaday goobta.

 

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14511

Posted by AqilDalmar on Dec 5 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK