Maamulka Ahlu Sunna oo xiray wadooyin soo gala magaalada Dhuusamareen iyo kuwo ka baxa, ka dib markii ay sheegeen inay ka warheleen..

Qaar ka mid ah wadooyinka soo gala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa la sheegay in la xiray ka dib markii maamulka halkaasi ka taliya ee Ahlu Sunna waljamaaca ay amar ku bixiyeen sidaasi, kuwaas oo sheegay inay cabsi weyn oo dhanka ammaanka ah dareemeen.

Taliyaha dhinaca amniga degmada Dhuusamarreeb Farxaan Macalin Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Ahlu Sunna uu degmada Dhuusamarreeb ee gobolka Galgaduud ku soo rogay xayiraad dhinaca socdaalka ah oo socon doonta muddo 48 saacadood, wuxuuna intaasi ku daray inay xireen qaar ka mid ah waddooyinka soo gala magaalada iyo kuwo ka baxa, isagoo xusay inay ciidamo badan geeyeen wadooyinka la xiray si ay ammaankooda u sugaan.

Taliye Farxaan Macallin Cali waxa uu sheegay in 4-wado oo ka baxa degmada Dhuusamarreeb ay xirnaanayaan 2-da cisho ee soo socota, isagoo sheegay in howlgalo ammaanka lagu sugayo ay sameynayaan, wuxuuna sheegay inay si gaar ah u xireen wadooyinka kala ah wadada aadda garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, tan aadda Baar Cabdi-faarax, Gadoon iyo Xananbuur, kuwaas oo uu sheegay inay u xireen sababo amaan awgeed, wuxuuna sheegay taliyuhu in wadooyinka ay xireen ay yihiin waddooyinka weerarada looga soo qaado sida uu yiri.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in xiritaanka wadooyinkan ay ka dambeyso ka dib markii ay heleen xog ku saabsan in koox ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna oo baxsad ah ay qorshaynayaan inay wadadaasi isticmaalaan, wuxuuna shacabka Dhuusamareeb ugu baaqay inay dib u qorsheeyaan safaradooda jadwalsanaa 48-da saac ee howlgalku soconayo, isagoo yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Safaradii qorsheysnaa ee ay dadka reer Dhuusamareeb ku bixi lahaayeen waa in dib loo dhigaa inta uu howlgalku socdo, waayo wuu xiranyahay garoonka diyaaradaha, sababaha aan u xirnay waxay tahay inaan ka warhelanay weeraro ay geysanayaan kooxo nabad-diid ah oo weerar ku soo ah magaalada Dhuusamareeb”.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14499

Posted by AqilDalmar on Dec 4 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK