Wasiiro ka yirsan Xukuumadda oo looga yeeray inay Baarlamaanka Soomaaliya horyimaadaan si wax loogu weydiiyo…

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirada gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan si ay u weydiiyaan su’aalo ku saabsan safaro ay dalka dibaddiisa ku tageen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan {Jawaari} ayaa sheegay in labada wasiir looga baahanyahay inay illaa lixda bishan ay ku yimaadaan Baarlamaanka hortiisa si su’aalo loo weydiiyo, waxayna xidhibaanadu ay horay ugu yeeray labadan wasiir, iyadoo xilligii loo qabtay ee hore uu ku ekaa shalay Isniin aheyd.

“Wasiirradan waxay safaro ku tageen dalal dibadda ah, waxaana laga doonayaa in Baarlamaanka ay sharaxaad ka siiyaan wixii uga qabsoomay safarradaas iyo wixii aan uga qabsoomin iyo weliba heshiisyo haddii ay soo galeen” ayuu yiri mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda u sharaxayey sababta ay ugu yeereen labadan wasiir.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay la xisaabtami doonaan xukuumadda cusub, iyadoo labadan wasiir ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee baarlamaanka looga yeero tan iyo markii la ansixiyay golaha wasiirrada bartamihii bishii hore, labadan wasiir ee loo yeeray ayaa waxay booqashooyin ku kala tageen dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Dhinaca kale xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeer hoosaasyada uu Baarlamaanka Soomaaliya ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo aysan jirin cid ka soo horjeesatay iyo cid ka aamustay midna.

Kulanka oo ay soo xaadireen 188-mudane ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanku Prof. Maxamed Sheekh Cismaan {Jawaari} wuxuu sheegay in xidihbaanadii kulanka soo xaadiray oo dhan ay ku codeeyeen haa, isagoo xusay inaysan jirin cid ka soo horjeesatay, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Mudanayaashii kulanka soo xaadiray waxay tiradoodu aheyd 188-xubnood, dhammaantoodna waxay u codeeyeen xeer hoosaadyada Baarlamaanka oo 11-cutub ka kooban, sidaas daraadeed xeerka waa ansax wixii hadda ka dambeeya”.

Codeynta ka hor ayey Xildhibaano hadlay waxay sheegeen in qodobo ka tirsan xeer hoosaadyada wax laga bedelo, inkastoo wadatashiyo badan ka dib la isku afgartay qodobadaas, lana geliyay xeer hoosaadka codeyn gacan taag aheyd.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay todobaadyadii la soo dhaafay ka doodayeen xeerkii shalay ay ansixiyeen, iyadoo Guddi gaar ah oo loo saaray ay dib u habeyn ku sameeyeen xeerka oo markii hore qodobadiisu aad u badnaayeen, Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275-kursi lana sameeyay sanadkan ayaa sameyn doona afarta sano ee soo socota sida ay sheegeen Guddoonka Baarlamaanka isbedelo.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14490

Posted by AqilDalmar on Dec 4 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK