Dowlada Kenya oo shaki xoog leh ka muujisay wadahadalkii dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Dowladda Kenya  ayaa la sheegayaa inay aad uga walaacsan tahay kulankii Kulankii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya  Haile Mariam Dessalegn 28-kii December 2012  ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida warku sheegayo kulankaas ayay madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya uga wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobollada Jubbooyinka oo ciidamada Kenya ay ka xoreeyeen xoogaga Al-shabaab gaar ahaan ciidamada Kenya oo gobolladaas beelo gaar ah oo Soomaaliyeed u hibeeyay iyo sidoo kale shakiga ah in ciidamada Kenya ay hoosta ka wataan jabhadda ONLF ee dagaalka kala soo horjeeda Itoobiya.

Wadahadalkaas oo dhabar-wareen ku ah dowladda Kenya ayaa waxa uu shaki xoog leh geliyay madaxda dowladda Kenya oo bilihii ugu dambeeyay ku jirtay go’doon siyaasadeed tan iyo markii ciidamadeeda lagu eedeeyay in ay doonayaan in gobollada Jubbooyinka ay gacanta u geliyaan beesha Ogaadeen taas oo ka careysiisay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Ciidamada Kenya oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo tan iyo markii ay la wareegeen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka muuqatay inay wataan hadaf iyaga u gooni ah, dhowr marna digniin uga timid Saraakiisha sarsare ee AMISOM ayaa waxaa iminka la soo deristay xaalad ku dhisan  jaharawareer siyaasadeed.

Kulankii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof.  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya  Haile Mariam Dessalegn ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya 28-kii December 2012 ayaa shaki xoog leh geliyay, taasoo keentay in xitaa madaxweynaha Soomaaliya uu booqan waayo dalka Kenya, xilli uu tegay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, qorshubuna ahaa inuu Kenya booqdo.

Kenya ayaa waxa arrintan ku dhalisay in ay dib uga fiirsadaan maxsuulka ka soo baxay siyaasaddooda ku aaddan gobollada Jubbooyimka, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta sarsare ee dowladda Kenya ku eedeeyeen Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji oo labaduba ka soo jeeda beesha Ogaadeen kadib markii ay Kenya lugaha u geliyeen dagaalka siyaasadeed ee gobollada Jubbooyinka oo ay isku heystaan qabiilo badan oo Soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa si aad ah uga xumaatay dowladda Kenya kadib markii ay ogaatay in ciidamada Kenya ee Jubbooyinka Soomaaliya ku sugan ay la socdaan saraakiil sarsare oo ONLF ah kuwaasoo ay tiradoodana  gaareyso 30  iyo waliba maleeshiyooin fara badan oo doonaya in ay gobollada Jubbooyinka ka dhigtaan fariisin ay kaga duulaan dalka Itoobiya , waxayna dowlada Itoobiya haatan qorsheyneysaa sidii ay tallaabo cad uga qaadi lahayd waxa ay ugu yeertay  argagixisada ONLF.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=14431

Posted by AqilDalmar on Dec 2 2012. Filed under WARAR AF-SOOMAALIYA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK